Barcelona Oo Markii Ugu Horeysay Muddo 15-Bilood Ah Ku Fashilantay Iney Gurigeeda Gool Ku Dhaliso Kulamada Horyaalka La Liga.

0
Monday February 12, 2018 - 16:51:10 in by salman abdi
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Markii Ugu Horeysay Muddo 15-Bilood Ah Ku Fashilantay Iney Gurigeeda Gool Ku Dhaliso Kulamada Horyaalka La Liga.

    Barcelona Oo Markii Ugu Horeysay Muddo 15-Bilood Ah Ku Fashilantay Iney Gurigeeda Gool Ku Dhaliso Kulamada Horyaalka La Liga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona Oo Markii Ugu Horeysay Muddo 15-Bilood Ah Ku Fashilantay Iney Gurigeeda Gool Ku Dhaliso Kulamada Horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa ku fashilantay iney guul gaarto kulankii labaad oo xiriir ah ciyaaraha horyaalka La Liga markii ay gool la’aan ku kala baxeen kooxda Getafe, waana markii ugu horeysay sida la sheegay oo ay ku fashilmaan iney gurigooda gool ku dhaliyaan muddo dheer kadib.

Goolhaye Vicente Guaita ayaa shabaqiisa ka difaacday Barcelona isagoo jooga garoonka Camp Nou, mana dhicin in goolhaye uu shabaqiisa difaacdo isagoo jooga garoonkaan kulamada La Liga tan iyo markii uu sidaas sameeyay Carlos Kameni kulan ay Malaga gool la’aan la galeen 19-kii November 2016.

Muddo 15-bilood ah gool lagama celin Barcelona iyagoo jooga gurigooda kulamad La Liga, waxeyna tani imaaneysaa xilli laba kulan oo xiriir ah guul loo diiday, markii hore Espanyol markii labaadna Getafe.

Sidoo kaleBarcawaxey ku fashilantay iney gool ka dhaliso Juventus kulan ka tirsan Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, balse maahan wax la xiriira La Liga.

Dhanka kale Getafe waxey dib u xasuusaneysaa 2007/2008 markaas oo ay barbaro 0-0 ah la galeen Barcelona iyagoo safar ku jooga Catalonia.