Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Weftiyo Ka Kala Socda Hay'adaha DANIDA Iyo VNG

0
Monday February 12, 2018 - 17:07:43 in by salman abdi
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Weftiyo Ka Kala Socda Hay'adaha DANIDA Iyo VNG

    Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Weftiyo Ka Kala Socda Hay'adaha DANIDA Iyo VNG

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Weftiyo Ka Kala Socda Hay'adaha DANIDA Iyo VNG

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey wakiilka Ururka Dawladaha hoose ee wadanka Nederland (Holland) Mr. Chris Van Hement oo ay wehelinayeen Susan Paard ekam, Cabdi Axmed Xaamud iyo Maxamed Cabdi Xashi oo iyagu ka socday ururkadawladaha hoose ee Somaliland.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa isku xidhka, xoojinta iyo horumarinta dawladaha hoose ee labada dawladood ee Somaliland iyo Holland, waxa kale oo kulankaasi la iskaga xog-waraystay mashaariicda ay la wadaan ururka dawladaha hoose iyo sidii degmooyinka aanu weli gaadhin loogu fidin lahaa mashruucda maamul daadajinta dawladaha hoose ee JPLG.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne ku xigeenku xafiiskiisa ku qaabilay isla maanta Isu-duwaha Barnaamij-yada ee Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Denmark ee loo soo gaabiyo DANIDA u qaabilsan Somaliland, Anne Elisabeth Kobaek, waxaanay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa, loona dardar gelin lahaa mashaariicda ay Somaliland ka taageerto ee ay ka mid ka yihiin JPLG, SDF, iyada oo kulankan lagu wada-hadlay abaaraha ka soo cusboonaaday gobolada dalka qaar ka mid ah iyo sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen, isla markaana Somaliland gacan looga siin lahaa sii xoojinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka.

Kulamadan, ayaa waxay ku soo dhammaadeen is af-garad iyo in la xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo hay’adahaasi caalamiga ah ka dhexeeya.