Booliiska Canada oo baaraya dilka Cigaal Daa'uud

0
Tuesday February 13, 2018 - 11:11:15 in by salman abdi
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Canada oo baaraya dilka Cigaal Daa'uud

    Booliiska Canada oo baaraya dilka Cigaal Daa'uud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska Canada oo baaraya dilka Cigaal Daa'uud

Booliiska dalka Canada ayaa bilaabay baaritaano ku aadan Wiil Soomaaliyeed oo Axadii lagu dilayMagaalada Ottawa ee Dalka Canada.

Booliska waxaa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga dhex helay Gaari nuuca Raaxadda ah.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in meydka Wiilka oo inka badan 24 saac dhex yaallay Gaariga Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda dishay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada Sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay horay u sheegeen in dhalinyaradda Soomaaliyeed dhexdooda ay is dilaan.