Qaybtii 16 Sheekadii Mooge iyo. Maydhane Qalinkiii Ibraahim Xabbo.

0
Tuesday February 13, 2018 - 13:16:44 in by salman abdi
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 16 Sheekadii Mooge iyo. Maydhane Qalinkiii Ibraahim Xabbo.

    Qaybtii 16 Sheekadii Mooge iyo. Maydhane Qalinkiii Ibraahim Xabbo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 16 Sheekadii Mooge iyo. Maydhane Qalinkiii Ibraahim Xabbo. Maydhane. Waar baga allaylahe baga waar ma arkaysay kii Faysal waxa ku dhacay. Bal waakaase maxaa meydhi doona, waataa kuwii uu naga raacay ay Bullaacad ugu abaal gudeene. Wax ka guro dheh hadaba. Mooge. Waar horta niyaw maxaad sida caruurta ugu hadashaa? Faysal maxaa gaadhay ee aad ku faraxsantahay? Tobon ka badan inta Reer Waddani ah ee iisoo dirtay Video nin caytamaya iyaga oo aad u faraxsan weliba. Dee waar muu dhiman waxna muu noqon. Ma intaas ayaad ku nafisaysaan oo naf ka dhiganaysaan. Waar maxaa Ciil iyo Cuqdad idin haysa. Maydhane. Horta ma nalla Aragtay Jeegaantii? Waar adeer anagaa kaa naqaane, iskaga joog imisa ayaanu lahayn. Ka Xaab Xaabi dheh dee hadaba. Mooge. Waar niyaw miyaad ogayn in Geeriyi ku dhici doonto qof walba, oo dhibaato aduun oo badani ay ku dhacayso qof walba? Dee maalinta ay dhintaan inta Siyaasada idinkaga duwan ee tolka tihiin waxaad odhan doontaa baga ayuu hebel dhintay sidii oo aad adigu noollaanayso. Waar maxaa waxan oo collaad ah odin geliyey oo heerkaa idin gaadhsiiyey? Maydhane. Waar maanta maydun is daba qaban doontaan oo tollkiin maydun soo raaci? Mooge. Tolka ma Waddani ayaad u taqaanaa horta Magaciisiyoow inader? Mida kale dadka kale miyaanu tol ahayn? Maydhane. Anagu waxa aanu ka xunahay sida la idiinla dhaqmaayo, inta la idinku shaqaysto weliba. Ka hadh baan lahaa Jegaan iyo dirkood. Horey uga mar baan idhii. Hiyigaygey ka guureysee. Marka aan habeen qudha . Hurdo nabad u seexdaba. Saw Hees wallwaalleed Ayagu kuuma qaadaan. Caawana Hirkaan degay . Ma hawd iyo Callaydhbaa. Hawlihiyo Caashaqa ma gallay halkaygii. Hoo Baarruud. Hoo Barriiska. Mooge. Adeer ninkan Madaw ee caytamayey ee bilaa macnaha ahaa. Muuse ayaa ka soo xidhay kadinka oo wuu Suldaan Xasanaynaayey. Muuse Xaafadoodu waa xarfaanoo si kale ayey u dhigaanoo ka Albaabka laga soo xidhaaba wuxuu iska dhigaa in uu isaga wax u taraayo markaasuu Makale jebiyaa. Adigu ma shaqo kale ayaad weydey horta? Mid kale Faysal miyaa ku waallateen? Waxaan u mallaynayaa maalintii Faysal aanu Geerida wiilkiisa tacsida u diraynay inaad iyana baga lahayd Caqligaaga iyo cadaawada kugu jirta ayaan arkaayoo. Waar Siyaadadu maaha Cadaawad. Waar hadii Xisbigaaga la raaci waayo maaha tolniimo la,aan oo anaguba kumaanu odhan. Waar halkan aad maraysaa waa halkii ugu xumayd. Waxaan u malaynayaa sida kaa muuqata inaad Sixiroolena u tagi doonto. Maydhane. Adiga maxaa Faysal kaa gallay? miyaad Kulmiye ahayn? Mise habeenka iyo haybta ayaad kaalla weynaaday wixiiba? Bal dhan uun ha laguu raaco adiga horta. Mooge. Faysal waa la dhalliili karaa oo anigu ma difaacayo oo nin Durbaan qaatay ilaaq dalbay weeye. Qofku haduu Siyaasi noqdana in wax laga sheego waa khasab. Qofka wax ah ee Jira ayaana la hadal hayaaye mid aan jirinba cidi ma soo hadal qaado. Mid kale aniga iyo Faysal inaanu Difaac ku wada jirno xaga Reerka ah miyaad ogayn? Maydhane. Difaaca aad ku wada jirtaan muxuu ahaa? Yaa ugu jirtaan yaase kaga jirtaan? Mooge. Waxaanu ku wada jirnaa difaaca la yidhaa " All Naxliya, All Xarbu Ehliya, Wall Callaa Caliya, All Hangooliya," Waxaanu ka soo horjeedna Ollolaha lagu hayo Maatidayadii ee lagu gelinaayo Naxliga, Cadaawada iyo Xumaanta, ee loo gelinaayo kuwa ay dabka kalla qaataan ee Durigu ku wada dhaco Abtirsiina aanay kalla fogayn. Maydhane. Markaa ma inaad tolka kalla ilaalisaan ayaad rabtaan oo Mr G aanu midoobin. Mooge. Maya. in cidi midowdo weligaaba adigaan rabin. Anagu in Somaliland oo dhami midawdo ayaanu rabnaa oo wixii inaga Qaldamana aynu wada hadal ku toosino. Adigu se waxaad rabtaa waxaagii xilka lahaa iyo fadhadhaqdaadii, oo sanad guuradii ayey gaadhay aad u dabaal degi jirtay Bellaayada iyo Baaska. Caruurta iyo Xaawalayda iyo inta aan dhaamin ee aan waxba ogayn waxaad uga sheekaysaa Action Movies iyo filim dabo iyo dacal ah markaas ayaad naxligana u dhex raacisaa hobayo hidooy. Kaas ayaanu dib uga dawaynaa oo aanu wakhti iyo kharash badan gelinaa. Markaas ayaanu dib Claajinaa. Dabadeed waa laga dhex hadlaa waxay ka dhex yidhaahdaan "Jeegaan, Biyo la,aan., Maryo Allool Dagaal Sokeeye , Xabaalo iyo dib u socod.. Anaguna waxaanu kaga saarnaa jinka oo ay ka xanaaqaan " Hore ayaa loo soconayaa"

La soco Qaybaha danbe.......?

Qalinkii Ibraahim (Xabbo)