'Mas ayaa cunay boqolkii kun ee doolar ee la ii dhiibay!'
Haweeney ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee Nigeria ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay baarayaasha u sheegtay in 36 milyan oo lacagta Niara-ha Nigeria ah uu mas ka cunay.
Lacagtaas ayaa waxay u dhigantaa $100,000.
Philomena Chieshe ayaa ka shaqeynaysay xafiiska guddiga imtixaanaadka Nigeria qeybta lacag qabashada.
Masuuliyiin ka tirsan guddiga ayaa beeniyay sheegashada haweeneydaasi oo uu hadda baaritaan ku socdo.
Arrintan ayaa si weyn looga hadalahayaa dhammaan baraha bulshada Nigeria.
"Bariis caag ka sameysan" oo lagu qabtay Nigeria
Nigeria oo siinaysa lacag dadka ugu saboolsan
Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa barahooda Twitter-ka ku sheegay inayba suuragal ahayn in mas uu lacag intaa dhan cuno.
I was swallowing money all night. Can someone recommend a good spot to chill with babes?
Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @NigeriaSnake
Rapper Ycee ayaa qoray waa wax aan la aamini karin
'Mas ayaa cunay boqolkii kun ee doolar ee la ii dhiibay!'
'Mas ayaa cunay boqolkii kun ee doolar ee la ii dhiibay!'