Biyo la'aan ka jirta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

0
Wednesday February 14, 2018 - 10:04:07 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biyo la'aan ka jirta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    Biyo la'aan ka jirta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biyo la'aan ka jirta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in markii Wabiga uu guray in dadka ku nool tuulooyin ku yaalla dulleedka magaalada Jowhar in ay soo wajahday biyo la’aan baahsan.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay u baahan yihiin in si deg deg ah loo caawiyo maadaama ay dhibaateysan yihiin.

Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah deegaannada ay soo food saartay biyo la’aanta, isaga oo xog –wareysi la yeeshay dadka ku dhaqan Tuulooyin hoostaga degmada Jowhar.

Bulshada ayuu ugu baaqay in ay is caawiyaan isasga oo dhinaca kalana sheegay in maamulka Hirshabeelle uu qaadan doono doorkooda ku aadan badbaadinta dadkaasi.

Deegaano badan oo ku yaalla duleedyadda Magaalooyinka Baledweyne iyo sidoo kale Jowhar ayaa xilliggaan waxaa ka jira Biyo La’aan Ba’an kaddib markii uu guray Wabiga Shabeelle.