Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

0
Thursday February 15, 2018 - 10:18:10 in by salman abdi
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

    Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.


Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartami doono ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska XFS, kaasi oo 3-dii May 2017-kii xilli fiid ah uu toogtay Askari ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii hore Qaranka Dr. Nuur Faarax, Meel Hal Meyl wax ka yar u jirta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartami doona xubno dhowr ah oo ka mid ah Beesha iska leh Kursiga, waxaana Magaalada Kismaayo diyaar ku ah dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in ay shalay bilaabeen hubinta Ergooyinka, sidoo kalena ay xaliyeen wixii tabasho ah, islamarkaana doorashada maanta ay ku dhaceyso sidii loogu talo galay.

Doorashadan ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa goob joog ka noqon doona Guddiga Doorashooyinka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Saxaafadda.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo xarunta KMG ah Jubbaland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka qaar ee magaalada Kismaayo, si looga hortago arbushaad dhacda inta lagu guda jiro Doorashada.