Ra'isulwasaaraha Thailand oo soo saaray hees cusub oo lagu beegay maalinta jacaylka
Dad badan ayaa waxa ay u qaateen in heestan loogu talogalay maalinta jacaylka adduunka oo ku beegnayd shalay oo ahayd 14-ka bisha Feberaayo.
Balse afhayeen u hadlay militariga dalkaas xukuma ayaa meesha ka saaray arrintaas.
Dadka lama aysan dhicin heesta, iyada oo 25 kun oo qof ay saartay calaamadda suulka hoosta u jeeda oo loola jeedo 'kama aanan helin', halka 1000 qof oo kaliya ay saartay calaamada suulka kor u jeeda ee micnaheedu yahay 'jamashada
.Dadka naqdiya xukuumadda militariga dalkaas ayaa sheegay in aysan u baahneyn hees cusub, balse u baahanyihiin doorashooyin cusub.
Heesta oo uu qorey Ra'isulwasaaraha ayaa waxaa qaaday askari daacad ah, waxaana lagu magacaabaa Wadnaha Dheemanka ah, taas oo gabadh lagu amaanayo, balse lagu matalayo dalka Thailand.
Waxa kale oo ay heesta ka hadlaysaa in caqabadaha laga gudbi karo iyo casharo cusub oo maalin kasta la baran karo.
Muddo 12 jeer ah ayay militariga qabsadeen dalka kadib markii uu soo afjarmay xukunkii boqortooyada sanadkii 1932-dii.
Ra'isulwasaaraha Thailand oo soo saaray hees cusub oo lagu beegay maalinta jacaylka
Ra'isulwasaaraha dalka Thailand Prayuth Chan-ocha ayaa soo saaray hees cusub , taas oo lagu baahiyay barta Youtube-ka.