Cabdilaahi Jawaan Oo Soo Jeediyey Talo Ku Saabsan Wada Hadalada Djibouti Ku Qabsoomya.

0
Thursday February 15, 2018 - 10:27:56 in by salman abdi
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdilaahi Jawaan Oo Soo Jeediyey Talo Ku Saabsan Wada Hadalada Djibouti Ku Qabsoomya.

    Cabdilaahi Jawaan Oo Soo Jeediyey Talo Ku Saabsan Wada Hadalada Djibouti Ku Qabsoomya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdilaahi Jawaan Oo Soo Jeediyey Talo Ku Saabsan Wada Hadalada Djibouti Ku Qabsoomya.

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey dalka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), ayaa soo dhaweeyey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee la filayo in Jabuuti lagu qabto, waxaanu xusay inay Jabuuti tahay Wadan dhex ka noqon kara wada hadalada.

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey dalka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay wada hadalada "Kolay wey inoo wanaagsan tahay in wada hadalada Turkiga laga soo wareejiyo, sababtoo ah Turkigu wuxuu aad ula socdaa Somaliya, balse in wada hadalada Jabuuti la keeno wey fiican tahay, Jabuutina waa dal inoo dhex ah, waliba xaggeena ayey u dhawaanaysa, Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle xidhiidh aad u dhaw oo saaxibtinimo bay leeyihiin”.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey qodobada ugu muhiimsan ee Somaliland laga rabo inay ku doodo marka ay Somaliya la hadlayso ayaa yidhi "Halkan lagu doodayo dad baa lanaga dilay iyo waa nala xasuuqay, taasi waa wax cad oo wax qarsoon maaha, ee waxa taas ka muhiimsan inaynu ku doodno haddii aanu nahay Somaliland, Somaliya waxaanu ahayn laba qaran oo isku tagay, oo Somaliland 36 dal baa aqoonsaday, waxaana inaga horeeyey laba dal oo kala ah Masar iyo Koonfur Afrika, 1960 markii aynu xoriyada qaadanay waxaanu doonayna inaynu midayno shanta Somaliyeed ee ay Jabuuti ka mid tahay, ee is maamulka Somalida Itoobiya ka mid tahay, ee Somalida Kenya ka mid tahay, taasina wey suurtagali weyday, ee inaynu taas ku doodno ayaa ah, markaas waa inaynu ku doodnaa shanti Somalida ayaanu midaynayey, ee ama waa in shanti Somaliyeed la isku keena, ama waa in sida loo aqoonsan yahay kuwa kalena anaga naloo aqoonsadaa”.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi "Sicir bararka waxaynu eegi doonaa muddadii 45 cisho ahayd ee ay Xukuumaddu u qabatay, marka ay muddadu dhammaato ayaa haddii Rabi idmo eegi doonaa waxay ku dhammaato, markaas ayaana wixii soo baxa iyo sida wax loo qabtay la qiimayn doonaa”.