Shirkadda Facebook Oo Khasaartay Mallaayiin Ka Mid Ah Macaamiisheeda
Warbixin dhawaan ay soo saartay shirkadda E-marketer oo Wargeyska Himilo soo xigtay ayaa waxa lagu cadeeyay in shirkadda Faceboook khasaartay kumanaan kun oo ka mid ah macaamiisha sida aadka ah ugu xidhan shirkadaasi.
Tirada Da’yarta isticmaasha Facebook ayaa waxay da’doodu u dhexaysaa 12 ilaa 17
waxaanay warbixintaasi cadaysay in 1.4 Milyan oo qof oo da’yar ahi ay sanadkani gudihiisa
ka maarmeen isticmaalka adeegyada shirkada Facebook.
Shirkadda Facebook ayaa waxay sanadkani gudihiisa khasaartay ilaa 2.8 Milyan oo qof oo
da’doodu ay ka hoosayso 25 jir kuwaasi oo isticmaali jiray adeegyada shirkadaasi.
Shirkadda Facebook ayaa haatan khasaaraysa macaamiil tiro badan waxaana la filayay in
shirkadaasi ay tahay shirkada kaliya ee dadka adeegsadaa inay kor u sii kacaan mooyee
aanay hoos u dhicin, dhinaca kale madaxda shirkada Facebook ayaan wali ka hadal
sababta keentay mallaayiinta macaamiisha ah ee ay maalin walba khasaarayso.
Shirkadda Facebook Oo Khasaartay Mallaayiin Ka Mid Ah Macaamiisheeda
Shirkadda Facebook Oo Khasaartay Mallaayiin Ka Mid Ah Macaamiisheeda