Siyaasi Reer Saaxil Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Maamul Cusub Ku Dhawaaqayo Haddii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilalka Ka Qaadiwaayo Wasiir Sacad Iyo Baashe Cawil.

0
Friday February 16, 2018 - 15:42:08 in by salman abdi
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Reer Saaxil Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Maamul Cusub Ku Dhawaaqayo Haddii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilalka Ka Qaadiwaayo Wasiir Sacad Iyo Baashe Cawil.

    Siyaasi Reer Saaxil Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Maamul Cusub Ku Dhawaaqayo Haddii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilalka Ka Qaadiwaayo Wasiir Sacad Iyo Baashe Cawil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Reer Saaxil Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Maamul Cusub Ku Dhawaaqayo Haddii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilalka Ka Qaadiwaayo Wasiir Sacad Iyo Baashe Cawil.

Siyaasi Saleebaan ibraahin oo kamid siyaasiyiin gobolka saaxil, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha debada Iyo safiirka imaaradka Carabta u fadhiya Somaliland Baashe Cawil Moorgan, isagoo ku hanjabay haddii uu ka qaadi waayo xilka labadaa Masuul inuu ku dhawaaqayo maamul goboleed lagu magacaabo Saaxil State, kaas oo uu Madaxweyne ka noqonayo isagu..

Siyaasi Saleebaan Ibraahin oo muuqaal laga soo duubay lagau baahiyey War-baahinta Somaliland ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-‘Gobolka Saaxil waxa ka dhacay Todobadii Sano boob baahsan,oo ay sameeyeen Xukuumaddii uu Siilaanyo Madaxweynaha ka ahaa,Ragga boobay Berbera waxa kow ka ah Baasha Cawil Moorgan ayuu gobolka saaxil hantidiisa Boobayey,iyadoo dadka Gobolka Saaxilna ay gaajaysnayeen in badanina ay u dhinteen cadho,
Saleebaan Ibraahin oo haddalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Madaxweyne Muuse Biixi fariimo badan usoo dirnay oo aanu kaga haddleynay boobka ka dhacay Berbera, waxa alaaley wuxuu ka qabtayna ma jirto,Fariinta aan maanta halkan ka dirayaa waxa weeyaan Muusow Reer Berbera xaqoodii ayey waayeen, wey dul-qaateen wey samreen, waxa weeye todobaada sano waxa la lahaa Siilaanyo ma oga. Ayuu yidhi:


Docda kalena Siyaasi Saleebaan ibraahin ayaa Wasiir Sacad Cali Shire iyo Baashe Moorgan ku eedeeyey musuq-maasuq iyo boob, waxaanu xusay in ay hadda u samaysteen farsamo cusub oo ay doonayaan in ay hantida Qaranka ku lunsadaan..”..Maanta waxa bilaamatay boobkii ugu dambeeyey,waxa sameeyey Sacad Cali Shire iyo Baasha Cawil Moorgan,waxay samaysteen shirkad ay rabaan in lagu boobo khayraadka Berbera, shacabka reer Berberana aqbalimaayaan..
Gunaanadkii Siyaasi Saleebaan Ibraahin, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu Xilka ka qaado Wasiir Sacad iyo Baashe Moorgan, isagoo ku hanjabay haddii laga qaadi waayo xilalka inuu ku dhawaaqayo maamul goboleed la yidhaah Saaxil State ”..

Markii aan la tashi balaadhan sameeyey,waxaan dhawaan ku dhawaaqidoona Saaxil State, waxaana madaxweyne ka noqonaya Saleebaan Ibraahin oo anniga ah, waxaan ku siinayaa wakhti todoba cisho ah haddii aad hay’addaa la rabbo in Berbera lagu boobo ee ay samaysteen Sacad Cali Shire Iyo Basha Moorgan, haddii aad laali weydo iyaga aad xilka ka qaadi weydo DPWORD aad dalka kasaari weydo, balan-qaad cadna aad na siin weydo, balan waxaanu ku qaadayaa in aanu u tashan-doono gobolka Saaxil.. Ayuu ku soo koobay hadalkiisa.