Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Degmada Xariirad Ee Gobolka Awdal Iyo Dagaal Beeleed Laga Cabsiqabo Inuu Ka Qarxo

Wararka ka imanaya Degmada Xariirad ee Gobolka Awdal, ayaa sheegaya in ay xiisad colaad ka oogantahay degaankaasi, taasi oo u dhaxaysa laba beelood oo ood wadaag ah.
Xiisadan ka tagaan Degmada Xariirad gaar ahaana deegaanka loo yaqaano Doox aroor seel, ayaa la sheegay in ay ka dhalatay , ka dib markii uu dib usoo cusboonaaday ismaan dhaaf iyo muran hore oo u dhaxeeyey labadan beelood, kuwaas oo isku haysta dhul bereed bustaano ah iyo dhul- daaqsimeed ballaadhan oo ay kala riixanayaan.
Warar la xidhiidhay qaar kamid ah dadka ku dhaqan degaanada Xariirad, ayaa waxay u sheegeen in xaaladu ay xuntahay, isla markaana la filan karro inuu saacad kasta uu dagaal ka dhex-qarxi karro labadaa beelood, iaydoo ay oo sheegeen in ay labad dhibac ku jiraan u diyaar garow ballaadhan oo dal iyo debad-ba laga waddo.
Waxa kale oo si aanu wax uga weydiino arrintaasi dhawr jeer xidhiidh kala duwan la samaynay Guddoomiyaha Degmada Xariirad , balse noomay suurtogelin. Geesta kalene labad Beelood ee xiisadu ka dhex taagan-tahay, ayaa waxa lagu sheegay in ay kala yihiin Beesha uu kasoo jeedo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Beesha uu ka dhashay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale.