Maayirka Dakar oo weli lagu dhaggan yahay

0
Saturday February 17, 2018 - 11:13:10 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Dakar oo weli lagu dhaggan yahay

    Maayirka Dakar oo weli lagu dhaggan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka Dakar oo weli lagu dhaggan yahay

Dacwad oogaha maxkamadeynta kiiska ugu weyn ee musuq maasuq ee waddanka Senegal ayaa ku baaqay in xasbiga loo taxaabo maayirka caasimadda dalkaasi.

Hasayeeshee taageerayaasha maayirka ayaa rumaysan in kiiska maxkamadda yaal uu yahay mid la siyaasadeeyay.

Iyadoo uu markale ku soo celiyay qodobbada kiiska uu gacanta ku hayo ayuu dacwad ooge Serigne Bassirou Gueye waxa uu ku baaqay in Khalifa Sall uu xabsiga ku qaato muddo todoba sanno ah sidoo kalana lagu ganaaxo lacag gaarayso 10.4 milyan oo doolar.

Maayirka ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Maarso ee sanadkii tegay.

Waxaa haatan lala maxkamadeynayaa todoba qof oo ka tirsan dowladda hoose ee caasimadda Senegal ee Dakar, kuwaas oo loo haysto inay si khaldan u isticmaaleen 3 milyan oo doolar oo kharashka dadweynaha ah.

Qareennada u doodaya ninkaasi ayaa la filayaa inay iyagana markale maalinta Isniinta ah isku soo dubaridaan qodobbada ay ku difaacayaan ninkaasi.

Duqa caasimadda Senegal ee Dakar oo sidoo kale ah xildhibaanka dalkaasi ka tirsan ayaa taageero badan ku leh magaaladaasi.

Waxa ay ku andacoonayaan inuu bari yahay ninkaasi iyo in kiiska yaal maxkamadda loogu talagalay in loogaga hor istaago inuu awoodda kula loolamo Madaxweynaha haatan talada haya ee Macky Sall.