Tahriibayaal lagu wado in maanta dalka dib loogu soo celiyo

0
Saturday February 17, 2018 - 11:13:10 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal lagu wado in maanta dalka dib loogu soo celiyo

    Tahriibayaal lagu wado in maanta dalka dib loogu soo celiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tahriibayaal lagu wado in maanta dalka dib loogu soo celiyo

Waxaa soconaya dadaal ballaaran oo dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo soo badbaadin lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan qeybo ka mid ah dalkaasi Libiya, kuwaa oo muddo dheer u xirnaa kooxo Magafayaal ah oo ka ganacsada dadka.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub,Ambassador AliSiciid Fiqi oo muddooyinkaan dambe ku hawlanaa sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa, maadaama Madaxweyne Farmaajo arintaasi uu u xil saaray, ayaa wuxuu sheegay dadaal dheer inay ku guulaysteen arintaasi.

Mid ka mid ah dhalinyaradan dib loogu soo celinayo dalka oo muuqaal Video ah looga duubay Garoonka Diyaaradaha Caasimada Libya ee Tripoli, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku xirnaa dalka Libya.

Waxaa uu sheegay inuu kaga mahadcelinaayo dowladda Somaliya inay ka shaqeyso sidii xabsiyada Libya iyo magafayaasha looga sii dayn lahaa dhalinyarada Somaliyed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka caalamka.