Khilaaf Ka Dhex Qarxay Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaarihiisa Iyo Arrimaha La Isku Maan Dhaafay

0
Sunday February 18, 2018 - 12:31:24 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Dhex Qarxay Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaarihiisa Iyo Arrimaha La Isku Maan Dhaafay

    Madaxweynaha dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raysal wasaarihiisa Xassan Cali Khayre ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaaf siyaasadeed .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raysal wasaarihiisa Xassan Cali Khayre ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaaf siyaasadeed .


Warar xog ogaal ah oo Wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre ay isku seegeen hawlo siyaasadeed oo ka jira Moqdisho iyo isbedelo uu farmaajo doonaayo in lagu sameeyo xukuumada oo uu Khayre ka gaws adeegay.


Gudoomiyihii gobalka Banaadir Mr Thaabit Cabdi Maxamed oo dhawaan isna xilka laga qaadey ayaa isna ka mid ah waxyaabaha sii huriyey khilaafka Farmaajo iyo Khayre.
Raysal wasaaraha ayaa la sheegay in uu doonaayey in aan xilka laga qaadin Gudoomiyaha Baandir halka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu xilka ka qaadey goor aan habeen iyo maalin toona aheyn , isla markaana aheyd si deg deg ah isaga oo waliba ku eedeyey arimo Musuq maasuq .
Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo iyo Khayre ay isku seegan yahiin arimo dhaqaale . Farmaajo ayay wararka qaar sheegayaan inuu aaminsan yahay in raysal wasaarihiisu lugaha kula jiro arimo musuq maasuq.
Waxaa kale oo la sheegay in labada nin ee iminka madaxda ka ah dalka Somaliya ay sidoo kale isku seegan yahiin sidii loo maaraayey mawqifka ay dawalda Somaliya ka qaatey khilaafka ka taagan dalalka gacanka Carabta.
Inkasta oo aanu wali khilaafkoodu aanu dibada u soo bixin hadana wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in khilaafkoodu dhawaan uu dibada u soo baxo sida looga bartey madaxweynayaashii iyo raysal wasaarayaashii iyo hore ee dalka Somaliya.
Waxaana khilaafka ka dhaxeeya labadan masuul la dareemay markii madaxweyne Farmaajo dhawaan u dabaal degaayey sanad guuradii ka soo wareegtay markii la doortey oo aanu haba yaratee wax door ah raysal wasaaraha ka siinin ,war bixinihii uu ku soo bandhigay waxqabadkiisa iyo siyaasadihiisa.
Madaxweynaha iyo raysal wasaarayaasha Somaliya Soo mara ayaa caan ku ah in markii ay muddo wada joogaan uu khilaaf ka dhex oogmo ,waxaana khilaafkaasi inta badan uu ku dhamadaa in raysal wasaaruhu uu meesha ka baxo.
Waxaase doorkan la eegayaa hadii ay khilaafkooda xalin waayaan oo uu baarlamaanku soo gaadho bal markaas midka ay guushu raaci doonto ee ku sii negaan doona kursiga
Source: Geeska