Suuqa Ugu Weyne Ganacsiga Ee Bakaaraha oo xiran maalintii labaad Iyo Sababta.
Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa hakad ku jira maalintii labaad, kadib go’aankii ganacsatada ay ku gaareen inay joojinayaan shaqada suuqa, haddii aan wax laga qaban canshuurta la soo kordhiyay.
Xirnaanshaha Suuqa ayaa waxa ay abuurtay xaalad cakirnaan ah oo soo food saartay dadka ganacsatada ah ee Suuqaasi ku shaqeysa, oo maalintii labaad aanan shaqeysan.
Ganacsatada ayaa ka gadoodsan canshuur kordhin ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, waxayna sheegayaan ganacsatada inaysan awoodin bixinta canshuurtaasi.
Dowladda Somaliya ayaa ku fashilantay canshuur kordhintaan ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya oo wali aanan dhaqangalin, abuurtayna xaalad cakirnaan ah.
Dakadda Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe dhibaato noocaan oo kale ah ka taagneyd ayaa la xaliyay, laakiin arrintii Dakadda ayaa hadda u soo wareegsatay ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Suuqa Ugu Weyne Ganacsiga Ee Bakaaraha oo xiran maalintii labaad Iyo Sababta.
Suuqa Ugu Weyne Ganacsiga Ee Bakaaraha oo xiran maalintii labaad Iyo Sababta.