Kenya:- Macalamin Khal-khal Galiyay Qaar Ka Mida Goboladda Wadankaasi Iyo Sababta Keentay

0
Tuesday February 20, 2018 - 07:18:34 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:- Macalamin Khal-khal Galiyay Qaar Ka Mida Goboladda Wadankaasi Iyo Sababta Keentay

    Ururada Macalimiinta dalka Kenya ayaa dowllada ugu baaqay inay magdhaw siiso dhibanayashii iyo qoysaskii dadkooda ay dileen kooxda Al Shabab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururada Macalimiinta dalka Kenya ayaa dowllada ugu baaqay inay magdhaw siiso dhibanayashii iyo qoysaskii dadkooda ay dileen kooxda Al Shabab.


Ururka qaran ee ay ku mideysanyihiin macaliimiinta ee KNUT iyo Ururka ay ku mideysanyihiin macalimiinta dugsiyada hoose ee KUPPET ayaa sido kale ka doonaya in guddiga adeega macalimiinta ee TSC inaysan talaaba ka qaadin macalimiinta ka soo carara gobolka ayaga oo u baqaya naftooda.

Xoghayaha Kuppet Akello Misori ayaa ka digay in hadii guddiga TSC ay talaaba ka qaado macalimiinta ka soo tagay gobolka woqooyi bari sababa la xiriira amaanka in Ururka uu talaaba dhanka sharciga iyo shaqada la xiriirta ka qaadayan TSC.

Laba macalin iyo xaaska mid ka mid ah ayaa jimcihii lagu dilay wajeer ka dib markay kooxa lagu tuhunsanyahay al shabab ay soo weerareen dugsiga hoose ee Al Qarsa.

Mr.Misori ayaa ku andacoonaya inay tahay waajibka dowllad walba inay sugto amniga shacabkeeda oo ay ka mid yihiin macalimiinta iyo inay u keenan waxbarasha tayeesan ardayda.

Saraakiishan ayaa sido kale ka dalabaday guddiga TSC inay dhamaan macalimiinta ka soo saarto gobolka woqooyi bari ila laga xalinayo xaalada amaanka.