Falastiin:-Kooxda Xamaas Oo Joojisay Furitaanka Telefishin Arrimaha Haweenka Loogu Talagalay

0
Tuesday February 20, 2018 - 07:49:09 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falastiin:-Kooxda Xamaas Oo Joojisay Furitaanka Telefishin Arrimaha Haweenka Loogu Talagalay

    Maamulka magaalada Gaza ayaa hor istaagay daahfurka telefishin u gaar ah haweenka, daqiiqadii ugu danbeeyey ee lagu waday in uu hawada galo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka magaalada Gaza ayaa hor istaagay daahfurka telefishin u gaar ah haweenka, daqiiqadii ugu danbeeyey ee lagu waday in uu hawada galo.


Saraakiil ka tirsan ururka Xamaas oo iyagu maamula Marinka Gaza, ayaa sheegay in Tv-ga Taif aanu qaadanin shatigii iyo sharciyadii loo baahnaa

Hasa yeeshee madaxda kanaalkan cusub ayaa dhankooda tilmaamay in ay buuxiyaan dhammaan shuruudihii loo baahnaa ee dhanka sharciga.

Kooxaha u dhaq dhaqaaqa xorriyatul qowlka, ayaa horey ugu dhaliilay kooxda Xamaas in ay si aad ah ugu liitaan marka ay timaado dhowrida xuquuqda dumarka.

Wakaaladda wararka madaxa bannaan ee Falastiiniyiinta ee Maan, ayaa sheegtay in ururka Xamaas ay horjoogsadeen xafladda furitaanka kanaalkan cusub oo ah telefishin u gaar ah haweenka .

Wasaaradda warfaafinta qeybta hoos timaada ururka Xamaas, ayaa sheegtay in Tv-ga Taif aanu qaadanin sharciyadii loo baahnaa iyada oo ay jirto in dhowr jeer loogu baaqay in ay shuruudaha buuxiyaan.

"Maamulka kanaalka waa loo sheegay iney sharciyada iska dhameystiraan, si ay u helaan fasax ay ku bilaabaan shaqada, waxaa loo sheegay iney jirto shirkad magaca ay la baxeen horey isugu diiwaan galisay," waxaa sidaasi sheegtay wasaarada warfaafinta.

Balse madaxada Kanaalkan cusub ayaa beeniyay arrintan waxa ayan ku doodeen in ay ka diiwaangashan yihiin wasaarada warfaafinta iyo tan maaliyada.

"Sidaa daraadeed, waxaan heysanaa ogolaanshiyo aan wax ku baahin karno , inaga oo isticmaaleyna baraha bulshada," ayaa intaa lagu daray.

"Taasi ma ahan mid ka soo horjeeda shuruucda u dagsan Falastiiniyiinta waxeyna qeyb ka tahay xorriyadda asaasiga ah ee warbaahinta."

''Hadafkeenu wuu sii jiri doonaa'

Tv-ga Taif ayaa sheegay inuu yahay kii ugu horreeyay oo noociisa ah, "kaasi oo bidhaaminaya arrimaha haweenka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen bulsahada iyo dhisidda mujtamaca.

Muqaal la soo dhigay barta uu telefishinkan ku leeyahay facebook-ga , ayuu maamulaha TV-ga uga mahad celinayay dad aad u tiro badan oo isugu soo baxay afaafak hore ee xarunta kuwaasi oo taageero u muujiyay kanaalka cusub Taif .

"Hadafkeenu baaqi ayuu sii ahaan doonaa waana sii wadi doonaa hirgalinta howsha ," ayuu yiri maamulaha TV-ga.

Xamaas ayaa muddo dheer lagu eedeynayey iney faquuqaan dumarka, tan iyo intii ay la wareegeen maamulka marinka Qaza 2007.