Ururka Midowga Afrika ayaa kormeerayaal doorasho oo ka badan 30 Qof u diray Dalka Jabuuti halkaas oo Jimcaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka Dalkaasi.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa guddigan guddoomiye uga dhigay Anicet-Georges Dologuele oo ahaa Ra’isalwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.
Kormeerayaasha loo diray Jabuuti oo gaaraya 38 Qof waxaa ay ka kala socdaan 22 dal oo xubin ka ah midowga Afrika waxaana ka mid ah; Benin, Burkina Faso, Burundi, Cameroon, Congo, Ivory Coast, Ethiopia, Gabon, Guinea, Madagascar, Mali, Mauritius, Mauritania, Central African Republic, Republic Democratic Congo, Rwanda, Senegal, Seychelles, Somalia, Chad, Togo iyo Tunisia.
Kormeerayaasha ayaa loo daadgureyn dhamaan Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Jabuuti si ay ula socdaan hanaanka doorashada lagu dooranayo Baarlamaanka Dalkaasi.
Ujeedada Guddigan kormeerayaasha ah ayaa ah in ay la socdaan doorashada Baarlamaanka ee Bishan ka dhaceysa Dalka Jabuuti in ay u dhaceyso qaab xor iyo xalaal ah,waxaana 26ka Bisha ay soo bandhigi doonaan warbixinta qaabka ay u dhacday doorashada.
Midowga Afrika Oo Kormeerayaal Doorasho U Diray Waddanka Jabuuti
Ururka Midowga Afrika ayaa kormeerayaal doorasho oo ka badan 30 Qof u diray Dalka Jabuuti halkaas oo Jimcaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka Dalkaasi.