Berbera:- Dhaqdhaqaaqa Xiisada Muran Ka Taagan Shirkada Baadhista Shidaalka Bariga Berbera Oo Wali Cirka Ku Laalan Iyo Arimaha La Isku Mari Laayahey.

0
Wednesday February 21, 2018 - 12:28:30 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera:- Dhaqdhaqaaqa Xiisada Muran Ka Taagan Shirkada Baadhista Shidaalka Bariga Berbera Oo Wali Cirka Ku Laalan Iyo Arimaha La Isku Mari Laayahey.

    Berbera:- Dhaqdhaqaaqa Xiisada Muran Ka Taagan Shirkada Baadhista Shidaalka Bariga Berbera Oo Wali Cirka Ku Laalan Iyo Arimaha La Isku Mari Laayahey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera:- Dhaqdhaqaaqa Xiisada Muran Ka Taagan Shirkada Baadhista Shidaalka Bariga Berbera Oo Wali Cirka Ku Laalan Iyo Arimaha La Isku Mari Laayahey.

ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay siweyn looga dareemayay Gudaha Magaalada Berbera kadib markii la isku maandhaafey,Cadaalad Daro ka timid dhinaca Wasiirka Macdanta oo Maamulka arintaasi ku koobay Beeshiisa.

Dadweynaha kunool Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil,oo iyagu siweyn u hadalhayey xiisada Baadhista Shidaalka iyo qodobadda muruga dhaliyey Wakhti xaadirkan,ayaa falanqahooda hordhac uga dhigay in Maareeye Kuxigeenkii hore ee Dekedda Berbera Cumar Abokor,aaney ku qanacsaneyn inta ugu badan dadka kasoo jeeda Deegaanada Shidaalka laga baadhayo,taas oo sabab u ah in Wasiirka Macdanta looga arkey in aaney u sineyn dadka Deegaanada Shidaalka laga baadhayaa haseyeeshee,uu ahmiyada ugu weyn siiyay dhinac kaliya.







Geestakale Ragga sida aadka ah loo hadalhayo, ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil islamarkaana, ay ku qanacsan yihiin dhinaca ugu badan ee Deegaanka Saaxil ee laga baadhayo Shidaalka waxa ay dadweynuhu hadalheyntoda u badinayaan Keyd Cabdilaahi Xandule, Maareeyihii hore ee Wakaalada Biyaha Berbera iyo Shirkada Dahabshiil, oo ay wataan Duqeyda Waxgaradka iyo odoyaasha ugu badan ee talada Saaxil ka go,do khusuusan badiba Gudida dan iyo Duco xubnaha Hormuudka ka ah inkastoo, ay Reer Saaxil iska fogeynayeen in aaney muujinin arimo cakiran oo buuq iyo rabshad sababi kara, maadaama ay dhawrayaan Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, Haddana arimaha ugu waaweyn ee khilaafka iyo ismaandhaafka abuuraya, waxa kamid ah in laba dhinac ay ukala qeybsan yihiin kadib markii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Wasiirku ay Mashruuc soo siiyeen Koox katirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil kuwaas oo uu hogaaminayo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye iyo Xildhibaan Siciid Cartan,Waana halka kaliya ee sii adkeysay dooda ka taagan Xiisada Muranka arinta Shidaalka.



Dhinaca kale,waxa iyaguna maalmihii u dambeeyay u joogay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, xiisada Shidaalka Siyaasiyiin,Ganacsato,iyo Xildhibaano katirsan Golaha Guurtida iyo Wakiilada ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil,kuwaas oo uu kamid yahey Cali Dhagoole Wasiir Kuxigeenkii hore ee Madaxtooyadda.