Hargeisa:-Wasiir Sacad Cali Shire Oo Cunaha Iskaga Duubay Shaqadii Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland,Iyo Af-hayeenka Oo Dudmo Kaga Maqan Shaqada Loo Igmaday.
Hargeisa:-Wasiir Sacad Cali Shire Oo Cunaha Iskaga Duubay Shaqadii Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland,Iyo Af-hayeenka Oo Dudmo Kaga Maqan Shaqada Loo Igmaday.
Af-hayeenka Cusub Ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Tuurta U Ritay Xil Madhan Oo Shaqadii Uu Qaranka U Hayey,Ka Mulkiyey Masuul Kale Oo Ay Xukuumada Ka Wada Tirsan Yihiin,
Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Ayaa Cunaha Isakaga Tuubay Xilkii Iyo Masuuliyadii Madaxweynaha Somaliland U Magacaabay Af-hayeenka Madaxtooyada Maxamuud Jaamac Warsame,Tan Iyo Intii La Magacaabay Af-hayeenka Cusub Lama Hayo Meelu Jaan Iyo Cidhib Dhigay Waxana Shaqadiisi Si Dadban Ula Wareegay Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland,
Kaas Oo Wixii Warara Ee Kasoo Baxa Aqalka Madaxtooyada Shir Gudoomiya Isla Markaana Warbaahinta Faah Faahin Kasiiya Shaqada Ka Qabsoontay Qasriga Madaxtooyada,Shaqadaas Oo Madaxweynaha Somaliland U Xil Saartay Af-hayeenka Isla Markaana Tahay Waajibaadkiisa Shaqo
Warar Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Af-hayeenku Dudmo Kaga Maqan Yahay Shaqada Maadama Oo Laga Fara-maroojiyey,Waxaanu U Adkaysan Waayey Qaabka Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Uu Wax U Wado,
Waxaana Xusud Mudan In Masuulka Xilkan Loo Magacaabay Aanu Wax Xirfada U Lahayn Shaqada Madaxweynuhu U Igmaday Taas Oo Keeni Karta In Si Fudud Shaqadiisa Loola Wareego,