Burco:Ma Dhabaa In Gudaha Somaliland Laga Wado Dhaqdhaq Maamul Gobaleed Iyo Xukumada Oo Moogan.

0
Wednesday February 21, 2018 - 13:17:53 in by salman abdi
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:Ma Dhabaa In Gudaha Somaliland Laga Wado Dhaqdhaq Maamul Gobaleed Iyo Xukumada Oo Moogan.

    Xukumadda Farmaajo Oo Dabada Ka Riixaysa Maamul Goboleed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqo Gudaha Somaliland & Mooganaanta Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumadda Farmaajo Oo Dabada Ka Riixaysa Maamul Goboleed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqo Gudaha Somaliland & Mooganaanta Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Xukumadda Farmaajo Oo Dabada Ka Riixaysa Maamul Goboleed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqo Gudaha Somaliland & Mooganaanta Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Wararka Nasoo Gaadhaya ayaa tibaaxaya in kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo qadiyada somaliland kasoo horjeeda, ay qorshaynayaan inay dhawaan gudaha Somaliland kaga dhawaaqayaan maamul goboleed madax-banaan, kaas oo si toos ah u hoos tegidoona Dowlada taagta daran ee Soomaaliya.

illaha wararkan aanu ka helnay oo ku kala sugan magaalooyinka Hargeysa iyo qaar kamid ah waddamada Yurub,waxa kale oo ay xuseen in maamulka la doonayo in gudaha Somaliland lagaga dhawaaqo uu qarash badan ku bixiyey Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo weliba dowlada kale oo shisheeye, kuwaas oo kasoo horeeda qadiyada gooni isu taaga Somaliland.
 

 


Dhanka kalena illo Wareedyada aanu xogtan ka helnay, ayaa BurcoOnline u xaqiijiyey in maamulkaa cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu dabada ka riixayo ayaa la qorsheeyey inuu magaciisu noqon-doono Maamulka Dowlada Waqooyiga Soomaaliya (North State of Somalia),iyadoo sidoo kalene ay illahaasi xaqiijiyeen nooca calanka maamulkaas uu yahay, kaasi oo sida muuqata muuqaalka sawirkan ka kooban midab buluug ah oo ay ku yalaan bil cad iyo xidig cadaan ah.

Waxa kale oo Xoguhu intaas ku dareen inay kooxahan Somaliland-nimda kasoo horjeedaa qorsheeyeen inay Madaxweyne u doortaan nin kasoo jeeda Beesha Bariga Sanaag, balse waxay hadda ku hawlan-yihiin saami qaybsigii maamulkaa iyo qaab dhismeedkiisii.

Si Kastaba ha ahaatee Dowlada Madaxweyne Farmaajo Soomaaliya, ayaa ku hawlan sidii Somaliland u kala furfuri lahayd, waxaanay habeen iyo maalin -ba ku foogantahay qorshayaal kala duwan oo lagu wiiqayo Somaliland, balse waxaynu dhawrnaa waa halka uu ku dambeeyo qorshan maamulka uu doonayo farmaajo inuu gudaha Somaliland ka hirgeliyo.

Calanka Hoose waa calanka maamul goboleedka cusub:-

Xigasho Burcoonline