Galmudug:- Maamulka Galmudug Oo Sheegay Inay Noqonayaan Maamulkii Ugu Horeeyay Ee Dhulkooda Ka Saara Koxda Alshabab.

0
Wednesday February 21, 2018 - 13:46:23 in by salman abdi
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug:- Maamulka Galmudug Oo Sheegay Inay Noqonayaan Maamulkii Ugu Horeeyay Ee Dhulkooda Ka Saara Koxda Alshabab.

    Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu doonayo in uu noqdo maamulka ugu horreeya ee deegaannadiisa ka ciribtira Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu doonayo in uu noqdo maamulka ugu horreeya ee deegaannadiisa ka ciribtira Al-Shabaab.


Sheekh Shaakir waxa uu ka hadlaayay gaba gabada shirkii amniga ee Magaalada Dhuusamareeb ka socday saddexdii maalin ee la soo dhaafay.

 

Waxaa uu Madaxa Xukuumadda Galmudug intaas ku daray in Galmudug ay dooneyso in ay noqoto maamul Goboleedka dadkiisa ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Sanadka 2020,intaas ka horna ay Al-Shabaab ka saaraan deegaannadooda.

Dadka deegaannada Galmudug ayuu ugu baaqay in ay maamulka gacan ka siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay doonayaan in ay ka billaabaan degaannada Galmudug.

Maamullada Galmudug iyo Jubbaland ayaa noqday kuwa ugu horreeya ee fuliya qodobadii ka soo baxay shirkii Amniga ee Bishan billowgiidii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.