Somaliya:- Hayado Caalamiya Oo Somaliya Ku Eedayay Inay Caruurta Saraan Maxkamad Ciidan.

0
Thursday February 22, 2018 - 07:30:41 in by salman abdi
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya:- Hayado Caalamiya Oo Somaliya Ku Eedayay Inay Caruurta Saraan Maxkamad Ciidan.

    Hay'adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saareen ku eedeeysay maamulka dawlada inay si sharci darra ah u xiraan isla markaana la soo saaro maxkamado military caruurta, kuwaas oo lagu eedeeyo inay xiriir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saareen ku eedeeysay maamulka dawlada inay si sharci darra ah u xiraan isla markaana la soo saaro maxkamado military caruurta, kuwaas oo lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin al-Shabab.

Warbixinta 85-bog ah, oo ay hay'ada soo saartay maanta ayay ku sheegtay in carruur badan oo ku jira xabsiyada soomalia ay wajahaan xaalad aad u adag..

Maamulka dawlada ayaa lagu eedeeyay inay si sharci daro ah u qabtaan carrur badan oo lagu eedeeyay inay xiriir horay ula lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Xukuumadda ayaa si kastaba ballan-qaadday in ay si dhaqso ah ugu wareejinayso carruurta la qabqabtay hay'adda Qaramada Midoobay ee ilaalinta carruurta (UNICEF) si ay u helaan dhaqan-celin.


Laakiin jawaabta dowlada iyo dawlad-goboleedyada dalka ayaa ah mid aan isbedel lahayn, mararka qaarna wuxay ku xadgudbaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu yiri warbixinta HRW.


Hay'adda ayaa sheegtay in 36 carruur ah oo dowladu ay ka soo qabateen kooxda Al-Shabaab 18-kii Janaayo, ee sanadkii 2018 loo baahday toddobaad wadahadallo la xidhiidha UN- iyo kooxda u dooda ilaalinta carruurta si ay u xalliyaan nidaamyada la xaajoodka iyaga.


"Carruurta dhibaatada kala soo kulmeen Al-Shabaab ayaa naftooda waxay halis ugu jiraan markale inii si xun ay ula dhaqmaan islamarkaana ay dhibaata kala kulmaan marka ay ku jiraan xabsiyada dowlada," ayuu yiri Laetitia Bader, oo ah cilmi-baare sare oo Afrika ah oo ka tirsan Human Rights Watch iyo qoraaga warbixinta