Kenya:- Safirka Kenya U Fadhiya Maraykanka Oo Beeniyay Inuu Eedo Ujeediyay Mucaradka Wadankaasi.

0
Thursday February 22, 2018 - 07:34:26 in by salman abdi
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:- Safirka Kenya U Fadhiya Maraykanka Oo Beeniyay Inuu Eedo Ujeediyay Mucaradka Wadankaasi.

    Safiirka Xukuumada Mareykanka u Fadhiya Kenya Mr Robert Godec oo Meesha Ka Saaray in uu Ku Lug Leeyahay Siyaasadaha is Diidan ee Dowlada iyo Mucaaradka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Xukuumada Mareykanka u Fadhiya Kenya Mr Robert Godec oo Meesha Ka Saaray in uu Ku Lug Leeyahay Siyaasadaha is Diidan ee Dowlada iyo Mucaaradka.

Hadalkaan ayaa Jawaab u ah iyadoo Bilihii La soo Dhaafay Mucaaradka ay ku eedeyn u Jeedinayeen Safiirka Mareykanka oo ay sheegeen in uu La Saftay Xisbiga Haya Talada Dalka Kenya ee Jubulle.

Isbuuc Ka Hor ayaa Taagerayaasha Mucaaradka Kenya Waxaa ay Baraha Bulshada soo Dhigeen Ereyo ah Godec Must Go oo Macnaheedu Yahay Waa inaad ka Tagtaa Xafiiska Safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

Xildhibaanka Mucaaradka Kenya Ka Tirsan ee Laga Soo Doortay Degmada Homa Bay Mr Tj Kajwang ayaa Laba Todobaad Ka Hor Sheegay in Safiirada Dalalka Reer Galbeedka ay Dano Gaar ah u Joogaan Magaalada Nairobi Taasi oo Ka Badan Danaha Qaramadooda ay u soo Igmadeen.