Hargeisa:- Xukuumada Oo Amar Ku Siisay Maayar Solteco In Uu Furo Kala-Fadhigii Golaha Deegaanka Iyo Mudada Loo Qabatey.

0
Thursday February 22, 2018 - 12:55:26 in by salman abdi
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Xukuumada Oo Amar Ku Siisay Maayar Solteco In Uu Furo Kala-Fadhigii Golaha Deegaanka Iyo Mudada Loo Qabatey.

    Hargeisa:- Xukuumada Oo Amar Ku Siisay Maayar Solteco In Uu Furo Kala-Fadhigii Golaha Deegaanka Iyo Mudada Loo Qabatey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Xukuumada Oo Amar Ku Siisay Maayar Solteco In Uu Furo Kala-Fadhigii Golaha Deegaanka Iyo Mudada Loo Qabatey. Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa ay maayarka

caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Ceydiid Solteco amar ku siisay in si deg deg ah u qabto kala fadhigii golaha deegankaas kaas oo uu maayarku ka meer meeraayo sida la sheegay .



 

 

Amarkan ayaa ka danbeeyey ka dib markii xildhibaanada mooshinka ku wada maayar Solteco ay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye gurigiisa kulan gaar ah kula yeesheen isla markaana uu wasiir ku xigeenku rabay in uu ku dhex dhexaadiyo maayarka iyo xildhibaanada mooshinka ku wada .


Balse dhex dhexaadintaas ayaa sida la sheegaayo guul dareysatay isla markaana waxaa ay wasaarada arimaha guduhu ku amartey Maayar Solteco saddex qodob oo kala ah


1.In kala-fadhigii golaha deeganka uu qabto sida ugu dhakhsaha badan


2.In uu faah faahin ka bixiyo maayarku lacagaha iyo qarashaad mad madow ku jiro oo ku baxa warshada sameysa daamurka lagu sameeyo laamiyada Hargeysa


3.Iyo in wasaarada arimaha guduhu la wareegtay kiiska Hangarka Inji oo ay xildhibaanada mooshinka ku wada maayarku ay sheegeen in la iibiyey isla markaana ay wasaarada arimaha guduhu baadhis iyo dabo gal ku sameyn doonto


Wasaarada Arimaha gudaha ayaa sidoo kale la sheegay in dhamaan arimahaas ay maayarka u qabatey in uu kaga soo jawaabo Muddo 10 Cisho ah