Golaha ammaanka oo aan wali go'aan ka gaarin qaraarka joojinta dagaalka Suuriya

0
Friday February 23, 2018 - 09:59:09 in by salman abdi
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha ammaanka oo aan wali go'aan ka gaarin qaraarka joojinta dagaalka Suuriya

    Golaha ammaanka oo aan wali go'aan ka gaarin qaraarka joojinta dagaalka Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha ammaanka oo aan wali go'aan ka gaarin qaraarka joojinta dagaalka Suuriya

Xaaladda magaaladda Ghouta ayaa laga dayrinayaa xilli wali golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay isku afgaran la'yihiin qaraar dagaalka lagu joojinyo.

Farnsiiska ayaa sheegay in haddii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku guuldaraystaan in ay caawiyaan boqolaalka qof ee rayidka ah ee ku xanniban dagaalka Suuriya ay la micno tahay dhimasahda ururka.

Danjiraha dowladda Faransiiska, Francois Delattre, ayaa sheegay in in Qaramada Midoobay oo caawin wayso dadka bariga Ghouta ku tabaalaysan ay luminayso kalsoonidii lagu qabay.

Mar sii horeysay Ruushka ayaa sheegay in qaraarka xabad joojinta ee ay soo jeediyeen Sweden iyo Kuwait ay tahay in isbadal lagu sameeyo.

Balse dublamaasiyiinta reer galbeedka ayaa waxay sheegeen in Ruushka ay doonayaan in dib ay u dhigaan qaraarka si taasi ay fursad u siiso in dowladda Suuriya ay sii wado weerarka.

Danjiraha dowlada Sweden u fadhiya Qaramada midoobay Olof Skoog oo wadankiisa uu soo jeediyay qaraarkan ayaa sheegay in dalabka Ruushka la tixgaliyo.

Danjiraha ayaa sheegay in ay tahay in la eego isbadalka ay dalbadeen Ruushka maadaama ay muhimadda tahay in dadka gargaar la gaarsiiyo.