Mareykanka:-Mareykanka oo mar kale sheegtay in uu duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

0
Friday February 23, 2018 - 09:59:09 in by salman abdi
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka:-Mareykanka oo mar kale sheegtay in uu duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

    Mareykanka:-Mareykanka oo mar kale sheegtay in uu duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka:-Mareykanka oo mar kale sheegtay in uu duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab duqeyn 21kii bishan ka dhacday Tuulada Bangeeni oo 8 KM dhinaca galbeed kaga beegan degmada Jamaame ee gobbolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada militariga Mareykanka ay duqeyntaasi ku dileen Saddax ka mid ah ah dagaalyahanada Al-shabaab.

"Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen ciidamadeena ayaa waxa ay duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jamaame, waxayna ku dileen Saddex ka tirsanaa Al-shabaab, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin” ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).

Isniintii aynu soo dhaafay todobaadkii hore ayeey aheyd markii duqeyn dhismasho sababtay Mareykanku ka fuliyay degmada Jillib ee gobolka Jubbada hoose.