Jabuuti:-Dadka Jabuuti Oo U Dareeray Goobaha Cidbixinta Si Ay Usoo Doortaan Xildhibaanada Golaha Sharci-Dejinta Ee Dalkaas.

0
Friday February 23, 2018 - 13:05:49 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti:-Dadka Jabuuti Oo U Dareeray Goobaha Cidbixinta Si Ay Usoo Doortaan Xildhibaanada Golaha Sharci-Dejinta Ee Dalkaas.

    Dalka Jabuuti ayaa maanta looga dareerayaa goobaha cidbixinta, waxaana dadku ay soo dooranayaan 65 Xildhibaan ee golaha sharci-dejinta ee dalkaas, iyadoo xisbiga talada haya ee RPP ay ku rajo weyn yihiin inay si fiican ugu guulaystaan doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Jabuuti ayaa maanta looga dareerayaa goobaha cidbixinta, waxaana dadku ay soo dooranayaan 65 Xildhibaan ee golaha sharci-dejinta ee dalkaas, iyadoo xisbiga talada haya ee RPP ay ku rajo weyn yihiin inay si fiican ugu guulaystaan doorashada.



Xisbiga Mucaaradka ee Dhaqdhaqaaqa Horumarinta iyo Xoriyada ayaa ku hanjabay in ay qaadacayaan doorashooyinka oo ay ku tilmaameen geeddi-socodku in aanu noqon doonin mid hufan.

 


Mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka guddiga doorashooyinka qaranka inay u xaglinayaan xaga xisbiga talada haya oo iska fogeeyeen eedeeymahaas.


Geesta kale guddoomiyaha guddida Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in uu geeyay gudi ka socda kormeerka hannaanka doorashooyinka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Anicet-Georges Dologuele, oo ah Ra'iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.


Doorashadan ayaa Xisbiyada Mucaaradka u oggolaaneysa markii labaad in ay u tartamaan baarlamaanka. Waxaana qaar kamid ah Mcuaaradku wel-wel ka qabaan in doorashadu noqoto mid xornimo iyo xalaal-miirad u dhacda.


Waxaa doorashada ka qaybqaadanaya kor-joogayaal caalami ah oo ka socda dalalka reer Galbeedka iyo Midowga Africa.