Gudaha:- Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saddex Wasaradood Oo Qarsoon U Magacaabay Beeshiisa.

0
Friday February 23, 2018 - 18:08:52 in by salman abdi
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:- Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saddex Wasaradood Oo Qarsoon U Magacaabay Beeshiisa.

    Gudaha:- Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saddex Wasaradood Oo Qarsoon U Magacaabay Beeshiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:- Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saddex Wasaradood Oo Qarsoon U Magacaabay Beeshiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tan iyo intii uu xilka qabtay xilalkii ugu badnaa u magacaabay beesha uu ka soo jeedo, ayaa hadana ku talaabsaday arrin kale oo layaab ku noqotay bulshada, taas oo uu ku siraayo indhaha shacbiga cadaaladda ka filaayay, kadib markii uu saddex Wasaradood oo qarsoon u magacaabay beeshiisa hoose oo awalba saami xad dhaafa haysatay.


Wasaaradii dibu-dajinta wuxuu u badalay Hay’adda kaydka Qaranka iyo ka hortaga aafooyinka, waxaanu madax uga dhigay Faysal Cali Sheekh oo xigtadiisa Xusen Abokor ah isla markaana kamid ah dadku waligii watay.

Wasaaradii Duulista iyo Hawada ayuu iyana u magacaabay Duuliye Cabdi Maxamed Rodol oo ka soo jeeda qoyska Madaxweynaha ee Xuseen Abokor .

Wasaaradii Madaxtooyada oo xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ahayd meesha ugu hadal haynta badan ayuu iyana xil ahaan Agaasime ugu magacaabay Maxamed Cali Bile oo qoyska Madaxweynaha ee Xuseen Abokor ah, xilkan ayaa awood ahaan Iyo miisaaniyad ahaanba wuxuu yahay Wasaaradii Madaxtooyada, waxna lagama badalin sidii ahayd wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo, balse si indhaha dadka looga jeediyo ayuu Madaxweyne Muuse Biixi u maldahay.

Saddexdan Wasaradood waxa dheera oo uu hore Madaxweynuhu beeshiisa ugu magacaabay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo maalgashiga, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Wadooyinka iyo Gadiidka, Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo xilal kale oo Agaasimayaal tiro badan, Safiiro iyo Badhasaabyo leh. Waxaa intaas dheera xilalka Hore ay u hayeen beesha Madaxweynahu oo uu sidoodi u daayay oo ay kamid ahayeen, Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka, Taliye ku-xigeenka ciidamadda Booliska, Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo xilal kale oo tiro badan arrintan ayaa dibadda u soo saartay wajiga dhabta ah ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .