Inaan Xukuumadda Sl.and La Wada Lahayn Waxaa Ka Markhaatiya Kunka Qaxoontiga Ah Ugaaso-Madaw Iyo Mandheera Yaa U Cida.

0
Friday February 23, 2018 - 18:08:52 in by salman abdi
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inaan Xukuumadda Sl.and La Wada Lahayn Waxaa Ka Markhaatiya Kunka Qaxoontiga Ah Ugaaso-Madaw Iyo Mandheera Yaa U Cida.

    Inaan Xukuumadda Sl.and La Wada Lahayn Waxaa Ka Markhaatiya Kunka Qaxoontiga Ah Ugaaso-Madaw Iyo Mandheera Yaa U Cida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaan Xukuumadda Sl.and La Wada Lahayn Waxaa Ka Markhaatiya Kunka Qaxoontiga Ah Ugaaso-Madaw Iyo Mandheera Yaa U Cida.

oo ah Mandheera iyo Ugaaso-madaw waxaa ku ururay dad xoolihii ka dhamaadeen oo qaxoontiya, seddex Magaalo ee halbawlaha u ah Somaliland dhexdooda ayaa qaxoontigaasi degganyey mid inka yar Afartan kilometres ayey Berbera iyo Burco u jiraan oo ay ku harraaadanyihiin kuna cunto la yihiin . Inan yaroo qurbo jooga oo dadkoodii debedda ku maqnaa ayaa saliid yar iyo daqiiq aan ku filayn ku waawaabiya Xukuumaddii Muse Biixi iyo Musena Suudhkoodii iyo Xafiiska dhexdiisii bay ku ashqaraarsan yihiin.

Abaaraha waxaa inagu soo celcelinaya waa dhaqanka aan wanaagsanayn ee madaxda Somaliland ku socoto iyo khaladka ay nolosha wadanka ka

fahansanyihiin. Somalida nolosheeda dhabta ihi waa xoolaha miyiga xukuumaddii biiadda miyiga ilaalisa biyo iyo baad u doonta ayaa Xukuumad wax garanaysa ah. Hargeysa weligeed biyo ku filaanmaayaan waayo dadka reer miyiga ah way soo dabar goayaan wixii noolina magaalooyinkay ku soo socdaan. Haddaa rabtaan in magaalooyinka biyo ku filaadaan reer miyiga iyo xoolaha biyo iyo baad u geeya. Shan wasaaradood inta la baabiyo waa in la sameeyaa wasaaradda waddanka ugu weyn oo ah WASAARADDA BII’ADDA IYO REER MIYIGA Markaas uun buu wadanku wadan garanaya waxa dhaqaalihiisu ku xidhanyey iyo noloshiisu noqonayaa.

 

Wasiir qudha iyo agaasime qudha iyo Jaamacad isku sheeg qudha oo baadhid ku sameeyey imisa qoys oo reer miyi ahaa ayaa xoolihii ka dhammaadeen oo Hargeysa soo galay ma jiro weeye. Kuwa aqoonyahanka isku sheegaw intaa reer hebel ka sheekaynaysaan dawladaha halkay kaga jirto qiimaheeda iyo miisaaniyadeedu (Environment Agency) bal soo dersa, wax horuumara oo la gaadhi karaa ma jiro haddaan wasaarada Bii’AADDA IYO REERMIYIGA awoodda la saarin. SUUDHKAN MADACDU ISKU QALLA JINAYSAA HORUUMAR MAAHA , wasiir aan qeexi karin biyo iyo baad ayaa nin cilmi leh inoo sheegaya.
Qof kasta oo maqaalkan akhriyaa qaxoontiga aan ka hadlayo ee Ugaaso-madaw iyo Mandheera markiiba waxaa ku madaxiisa ku soo dhacaya wixii la inagu falay ee ahaa waa qoloma Qaxoontiga Ugaaso madaw iyo Mandheera laakiin xaqiiqadii waa DAD HARRAADDAN OO DHOWAAN HARGEYSA IMINAYA , Hargeysana afarta dhina ba waxaa kusoo foolle hubaal dad xoolihii ka dhammaadeen oo harraadan sina Hargeysa biyo ugu fillaanmaayaan haddaan reer miyiga halkooda biyo iyo baad loo geyn. Qolodaa doontaan ku sheega waxay idin leeyihiin REER MIYIGII XOOLUHU KA DHAMMAADEEN HARGEYSAAY WAANU SOO SOCONAA.

M BASHE (Meerkat, thought of the day)