Ahmiyadda Afka Hooyo ….. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

0
Friday February 23, 2018 - 18:08:52 in by salman abdi
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahmiyadda Afka Hooyo ….. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

    Ahmiyadda Afka Hooyo ….. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahmiyadda Afka Hooyo ….. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

Ugu horayn, afku waa nimco Alle ina siiyey oo uu inaga ga karaameeyey noolaha intiisa kale, hadalku waa waxa aynu kaga duwanahay xayawaanka kale, waana in aan ku mahadnaqnaa markasta, sidoo kale afku waa mid kamida aayaadka Alle SWT.


Afka meeqaamkiisu waa mid aad u sareeya, waayo waa nimco Alle bixiyo, sidoo kale waa waxa ka dhigay dadku in ay noqdaan kuwo bulshaawi ah, ku sheegta waxa maskaxdiisa ku jira, sida uu wax u arko, waxa uu rajaynayo, waxa uu ka cabsanayo, waxa uu aaminsanyahay iyo waxa uu gudbinayaba waa uu u adeegsadaa waa afka. Afka la.aantii waa sidii qof dhagala oo

aan waxba maqli karin, hadli karin ayaad la mid noqoynaysaa.

Afku waa summada ama aqoonsiga ummad ama bulsho lagu baadi sooco, sida summada ay soomaalidu xoolaha ugu kala soocdo oo ay ku kala garato sidoo kalena dadka ayey isku xidhaa, waana ka suga ama joogteeya taariikhda bulsho kasta, sidaa darteed afku waxa uu u siddaa tariikhda ay dadku leeyihiin, sidoo kale afku waa weelka sidda dhaqanka, hiddaha, xaddaarada iyo ilbaxnimada ummada. Hadii afkeedu lumo dhaqanka, hidaha, ilbaxnimada, xaddaarada iyo afkeerta dadkaas wey lumaan.

Afku dhanka kale waxa uu leeyahay wax dadkiisu ku raaxaystaan sida gabayada, heesaha, oo ah quruxda afka. Waana ruuxda ay bulsho kasta leedahay ee nooleeya geedi socodka dhaqan iyo taariikheed ee bulsho kasta.

Haddaba afka soomaligu waa maxay? maxaa se lagu garanayaa in aad soomaali tahay ma inaad muslim tahay, mise inaad madowdahay amase aad san dheer tahay? waxa kula qaba qoomiyado kala duwan sida oromada, eritarida, itobiyaanka iyo suudaaniyiinta dhamaantood waa kula muuqaal eegyihiin lakiin waxa kaliya ee aad kaga duwantahay waa Afka ama luqada.

Afka Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ku bohoobay afafka kushitiga ee dhul hoosaadka bari, waa mid ka mid ah afafka kushitiga, waxana afka soomaaligu uu beel wadaag la yahay afafka Afrika-Aasiya.
Afka soomaaligu waa afka ugu xog kaydiska badan afafka la haybta ah ee kushitiga, waana afka labaad ee dadka ugu badan ay ku hadlaan afafka kushitiga marka laga yimaado afka Oromada, waana luqad sal balaadhan oo lagaga hadlo dhul aad u balaadhan sida Itoobiya, Kiiniya, Jabuuti iyo soomaliya waana af hodan ah.

Maalintaan lumiso afka ama luqada soomaaliga waxaad lumisay baadi soocdaadii ama aqoonsigaagii lagu garanayey qoomiyada aad kasoo jeeday, waayo qoomiyada soomaaliyeed ma aha dhiig layska qaado ama dhaxal lakala dhaxlo ee waa luqada, afka hooyo waa afka aan iskuul ama waxbarasho loo tagin ee laga barto qoyska waana afka uu qofku ku hantiyo dhaqankii, hiddihii iyo dhaxalkii ay aabiyaashii iyo awoowyaashii lahaayeen sidaa awgeed waxa muhiima in ilmaha yar afka hooyo loo dhigo si uu u xejiyo dhaqankiisa iyo aragtida bulshadiisa, waayo afku waa ka kuu sahlaya in aad cilmi barato, lamana diidana in uu qofku afaf kale barto laakiin waxa muhiima in aad afkaaga hooyo aad si fiican u taqaano una kordhiso barashadiisa.

Ugu danbayn, afka hooyo waxa uu u baahan yahay ilaalin badan, kobcin iyo ka dhowrista waxyaabaha ku keenaya in uu dabar go’o waayo afku dhamaantii waa siman yihiin soomali iyo ingiriisi waa isku mid, laakiin sida hadba ay dadkiisu u kobciyaan una isticmaalaan ayey ku xidhantahay jiritaankiisu.
Waxaana uu u baahan yahay eray bixin badan si uu u ahaato luqada soomaaligu mid la jaan qaada waqti iyo casri kasta oo lana qoro afka laguna dhigo dhamaan manaahijta dugsiyada, xafiisyada dawlada lagaga shaqeeyo si uu u ahaado mid aan sal guurin oo sal balaadhan, qof kasta oo ajnabi ah oo shaqo ka haya dalka in uu soomaliga barto si ay u kordhiso kobaca afkeena hooyo.

Waxaan Alle ka baryayaa in alle ka dhigo Afkeena hooyo ee soomaaliga mid kobacda oo korta oo waligeed jirta.
………………..AFKA HOOYO WACANAA…………………..

WABILAAHI TAWFIIQ
W/Q: Ahmed Harir Adam
Hargaysa, somaliland