War Deg Deg Ah Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

0
Friday February 23, 2018 - 22:59:30 in by salman abdi
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    War Deg Deg Ah Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

Qarax baaxadiisu ballaadhantahaya ayaa hadda lagu soo waramayaa in laga maqley meelo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada waddankaasi Soomaaliya.


Qaraxaan ayaa uuradiisa waxaa laga arkayaa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxana loo badinayaa in uu qaraxa ahaa mid ismiidaamin ah, Iyada oo weli la maqlayo rasaas dhaceysa ka dhaceysa goobta qaraxa uu ka dhacey.

Qaar kamid ah dadka magaalada Muqdisho oo aanu xidhiidh la sameynay waxay noo xaqiijiyeen in qaraxu uu ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Wararka kale ee aanu isla magaalada Muqdisho ka helayno ayaa sheegaya in uu qarax labaad isna ka dhacey meel u dhaxeysa tiyaatarka magaalada Muqdisho iyo wasaaradda ciyaaraha, qaraxani ayaa ka dhashey gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Gaadhigani qaraxu ka dhashay ayaa lagu soo waramayaa in uu ku aadanaa dhanka madaxtooyada Soomaaliya bal se ay ka hortageen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Qaraxn labaad ayaa isagu geystay khasaare iskugu jira naf iyo maal bal se ma cadda tirada dadka ilaa hadda ku dhimatey.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay qarayadan sidoo kale ma jirto cid ilaa hadda war rasmi ah oo ku saabsan qaraxaasi ka soo saartey.