Somaliya:- Weriye Ka Tirsan Cidacada VOA Ee Magalada Muqdisho Ee Somaliya Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaladaasi.

0
Saturday February 24, 2018 - 07:13:12 in by salman abdi
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya:- Weriye Ka Tirsan Cidacada VOA Ee Magalada Muqdisho Ee Somaliya Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaladaasi.

    Allaha u naxariisto waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacada VOA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariisto waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacada VOA.


Axmed Xasan Colaad ayaa la sheegay in xalay uu ku soo booday xanuun, kadibna loola cararay Isbitaal iyadoo saaka aroortii uu ku geeriyooday Isbitaalka sida ay xaqiijiyeen Suxufiyiin ay shaqo wadaag yihiin Wariyaha.


Suxufi C/qaadir OK oo ka tirsan Idaacada VOA oo ay ka wada shaqeeyaan Wariyaha dhintay, ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ee Facebook ku soo qoray war xaqiijinaya geerida Suxufi Axmed Xasan Colaad.

"Inaa lillaahi waa innaa ilayhi raajicuun waxaa goor dhaweed dhintay saaxibkayn Ahmed Hassan Olaad oo ka mid ahaa shaqaalaha VOA,ee Soomaaliya.”

Suxufi Axmed Xasan Colaad ayaa shalay Barnaamij ka baxaayay Idaacada VOA baahiyay, balse xalay ayaa xanuun lama filaan ah uu ku soo booday.

Allaha u naxariistee Suxufi Axmed Xasan Colaad, ayaa ifka kaga tagay Afar Caruur iyo Hooyadood.