Maraykanka:-Madaxwaynaha Maraykanka MrTrump Oo Cunoqabatayntii Ugu Cuslayd Ku Soo Rogay Kuuriyada Woqooyi

0
Saturday February 24, 2018 - 07:35:21 in by salman abdi
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka:-Madaxwaynaha Maraykanka MrTrump Oo Cunoqabatayntii Ugu Cuslayd Ku Soo Rogay Kuuriyada Woqooyi

    Maraykanka ayaa shaaciyey arin uu Madaxweyne Trump ku tilmaamay in ay tahay cunoqabatayntii ugu cuslayd ee weligeed lagu soo rogo Kuuriyada Woqooyi, taas oo qayb ka ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu joojinayo barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka ayaa shaaciyey arin uu Madaxweyne Trump ku tilmaamay in ay tahay cunoqabatayntii ugu cuslayd ee weligeed lagu soo rogo Kuuriyada Woqooyi, taas oo qayb ka ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu joojinayo barnaamijkeeda nukliyeerka.



Cunaqabatayntan waxa la shaaciyey saacado uun ka dib markii Madaxweyne Trump inantiisa Ivanka ay tagtay Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo ay kaga baaqday in cadaadis wayn la saaro Kuuriyada Woqooyi.Cunoqabatayntaasi waxay beegsanaysaa shirkadaha shisheeye iyo maraakiibta ay Washington sheegtay in ay xidhiidh ganacsi la leeyihiin Pyongyang.

Waxa ay halkaa kaga la qayb galaysaa saraakiil ka socda Kuuriyada Woqooyi xafladda xidhitaanka ciyaaraha olombigga ee xiliga qaboobaha oo dalkaa ka socday.

Ka qayb galka saraakiisha ka socda  Kuuriyada Woqooyi ee xafladaasi waxay daba socotaa xidhiidhka labada dal oo soo yara fiicnaanaya, kaas oo ay sabab u noqotay ka qayb galka Pyongyang ee ciyaarahaa olombiggu.

 

 

Source: BBC Somali