Burco:Maamulka Gobalka Togdheer Oo Ka Hadlay Inan Yar Oo Sagaal Jir Ah Oo U Dhimatay Kufsi Lagula Kacay
Inantan Yar ayaa La sheegay in laga soo Qaaday magaalada Gaalkacayo Ee Maamul gobleedka puntland si loogu daweeye Magaalada Burco Kadib dhakhaatiirtii loo geeyay ayaa sheegay in inantan yar la kufsaday waxaana loo Gudbiyay Cusbitalka Guud Ee Magaalada burco Oo ay aakhirkiina ku Geeriyootay .
Agaasimaha Cusbitalka Burco Cabdi kariim Hayaan Maxamuud Ayaa SAAB TV U Xaqiijiyay in Maydka inantaas yari ku jiro mid ka mida talaagadaha cusbitalka weyn Ee Burco Geerideeduna la xidhiidho kufsi loo gaystay una gudbin doonaan Hay’addaha ku shaqada leh.
Cabdi kariim abshir iyo Axmed Salaad oo ah Ehelada inantan Yar oo hada ku sugan magaalada burco kana soo kicitimay magaalada muqdisho ayaa ka War bixiyay Arintan " Taariikhdu markay ahayd 16-2-2018 ayaa dhacdadan foosha xun naloo soo sheegay waxaana nala yidhi mayd ayaa idiin yaal magaalada burco Magaaladana waxaanu joognaa 12 cisho, Dawlada Somaliland si wanaag leh ayeey hawsha noogu wadaa waanuna ku qanacsanahay sida ay wax u wado waxaana rabnaa in kiiskaasi naloo soo dadajiyo”
Dhinaca kale Axmed salad oo ka mida ehelada inantan yara ayaa isna sheegay " inanta yar waxa laga soo qaaday magaalada gaalkacayo iyadoo dhaawaca halkana waxa loo keenay dhakhtar markii dhakhaatirktii loo keenay waxa ay sheegeen in gabadha yari u geeriyootay kufsi lagula kacay Hoyadeedna waa la jidh dili jiray si ay u qariso kufsiga waxana dili jiray Siciid maxamed faarax Dugule oo ah ninka Hooyadeed qabay Inantan Yar Ee La Kufsaday”
Farxiya Maxamed Salaad oo ah Hooyada dhashay inanta yar Ee dhimatay isla markaana uu qabay ninka loo haysto kufsigan iyada lafteedana ay ku yaalaan nabaro uu u gaystay ninkaasi ayaa ka warbixisay wixii dhacay " Aniga oo ah Farxiya Maxamed Salaad halkan waxaan ka cadaynayaa in gabadh yar oo aan dhalay igaga geeriyootay cuabtitalka Burco, gabadhaasi oo aan u keenay kaadida oo ku dhagan Markii la keenay dhakhtarkiina waxa uu sheegay in la kufsaday dhakhaatiirtuna waxa ay cadaysay in ay u geeriyootay kufsigaasi loo gaystay Dawlada Somaliland waxaan ka codsanayaa cidii falkaasi ku kacday in sharciga la hor keeno” Ayeey Tidhi Hooyadaasi
Badhasaab ku xigeenka Gobalka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo iyagu maalmihii la soo dhaafay la socday arimahan ayaa sheegay in uu xidanyahay ninkii kufsigaasi gaystay baadhitaankiisiina lagu hawlanyahay marka uu dhamaadana la hor gayn doono Hay’adda sharciga " mucjiso ku cusub ama kuba yar ayaa burco la soo galeen niman gaalkacayo ka yimi inaan yar oo Sagaal jir aha ayaa sida ay dhakhaatiirtu cadeeyeen faro xumayn ku sameeyay nin hooyadeed qabay ninkaasi waxa uu keenay halkan isaga oo soo fogaynaya malaa maydkeeda inanta oo sakaraad ah nala socoto Hooyadeed, deedna dhakhtarkaasi daaru xanaan ayuu geeyay daaru xanaan markii ay baadheen waxay odadeen in inanta kalyuhu fadhiisteen oo Galmo lagu sameeyay iyo dil markii dambe ka dambeeyay oo la garaacay uu sababay xanuunkeeda .
Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in inanta la keena cidii dhashay deedna Nootaayo ayuu yagay waxana uu yidhi anaa dhalay oo aabo u ah dhakaahtiirtii waxa ay ku qanci wayday in ninkaasi uu dhalay inanta yar cid ku cadaysa la kaalay ayeey yidhadeen arintiina sidii ayeey ku fashilantay, imikana CID-da ayaa gacanta ku haysa maydkiina mudadaasi ayuu yaalaa ninkiina waa xidhanyahay
Burco:Maamulka Gobalka Togdheer Oo Ka Hadlay Inan Yar Oo Sagaal Jir Ah Oo U Dhimatay Kufsi Lagula Kacay
Mudo Toban cisho ka badan waxa qaboojiyaha cusbitalka guud ee burco ku jirta inaan yar oo Da'adeeda lagu qiyaasay 9 jir Taas oo u dhimatay Dhaawac Ka Soo Gaadhay kufsi lagu sameeyay.