Jabuuti:Madaxweyne Geelle Oo Laalay Heshiiskii Shirkadda Dp World Iyo Imaaraadka Oo Jabuuti Ugu Hanjabay Dacwad Caalami Ah

0
Saturday February 24, 2018 - 11:54:45 in by salman abdi
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti:Madaxweyne Geelle Oo Laalay Heshiiskii Shirkadda Dp World Iyo Imaaraadka Oo Jabuuti Ugu Hanjabay Dacwad Caalami Ah

    Dawladda Imaaraadka Carabta iyo dawladda Djibouti ayaa u muuqda inay isla galayaan maxkamad ku taala dalka Ingiriiska, ka dib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Imaaraadka Carabta iyo dawladda Djibouti ayaa u muuqda inay isla galayaan maxkamad ku taala dalka Ingiriiska, ka dib

ismaandhaaf ka dhashay heshiis ay Djibouti shirkadda DP world ee dekedaha kula gashay inay maamusho dekedda Dooraale muddo 50 sannadood ah sannadkii 2006, kaas oo ay dawladda Djibouti hadda laashay.

Dawladda Djibouti ayaa gebi ahaanba ka baxday heshiis ay la gashay Dubai DP World oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya dekadaha caalamka,sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska madaxweynaha Djibouti Khamiistii.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa in shirkadda Dubai DP World ay maamusho dekedda Dooraale ee dalka Djibouti, balse qoraalka khamiistii ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Djibouti ayaa lagu yidhi ”Jamhuuriyadda Djibouti waxay go’aansatay in ay joojiso sii wadidda hal dhinac oo saameyn degdeg ah ku leh qandaraaska la siiyay DP World”, iyadoo intaas raacisay "”si loo ilaaliyo qarannimada iyo madax-bannaanida dhaqaale ee Djibouti.”

Hase yeeshee shirkadda DP world ee ay iska leedahay dawladda Imaaraadka Carabtu ayaa sharci darro ku tilmaantay talaabada dawladda Djibouti"Waxaa aanu xukumada Jabuuti ku dhaleecaynayna talabada sharci darada ah Iyo hab-dhaqaanka islamakaana wada shaqayn naga dhaxayso oo 18 sanadood soo jireen ah. Faa’iidooyinka ay xukumada Jabuuti kaga faa’iiday dhaqalaha malayiinka dollar ee sii toos ah ama sii dadban ay ku heleen, taas oo dalka Jabuuti kaga faa’iiday fursado maalgelin ganacsi islamarkaana magac ku heshay mandaqaada Geeska Afrika. Dp World saami dhan 33%3 ayay ku leedahay dekadda Doraleh oo qaab dhismeedka awoodeed uu yahay 1.25 mn koontiineer (TEU’s).

DP world waxay intaas raacisay, "Waxaanu dawladda Djibouti ugu baaqaynaa inay joojiso talaabooyinkeeda xad gudubka sharci ah oo ay sii wado wada shaqaynta naga dhaxaysay 18-kii sannadood ee u dambeeyay.”

Khilaafkan ayaa la filayaa inuu saameeyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada wadan oo aan marka horeba lugo adag ku taagnayn.