Suuriya: UN oo ku baaqday xabad joojin

0
Sunday February 25, 2018 - 07:19:41 in by salman abdi
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuriya: UN oo ku baaqday xabad joojin

    Suuriya: UN oo ku baaqday xabad joojin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuriya: UN oo ku baaqday xabad joojin

Dhaqdhaqaaqyada dusha kala socda colaadda suuriya ayaa sheegaya in ka badan 500 oo qof oo rayid ah ay hadda dhinteen, kadib toddobo maalmod oo duqeeyn dhanka cirka ah ay ka socotay degaanka bariga Ghouta.

Dowladda Suuirya oo ay taagerayso xukuumadda Ruushka ayaa doonaya in duulaankan Ghouta uu noqdo kii ugu dambeeyey sidookalena ay gacanta ku dhigaan magaaladan Istaraatijiyadda ah.

Dadka duqayntan lagu laayay waxaa ka mid ah caruur badan oo tiradooda lagu sheegay in ay gaarayaan boqol iyo kow iyo labaatan.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa dagaalakani ku tilmaamay in uu yahay kii ugu ba'naa ee dhaca tan iyo sanadkii 2013-kii

Milatariga Suuriya kama aysan hadlin duqaymahan dhacaya balse waxay sheegeen inay qaadeen weerar.

Waxase haatan Golaha Ammaanka ka socda dedaallo diblomaasiyadeed oo xoogan kuwaasi oo lagu doonayo in goluhu ku soo saaraan qaraar ku baaqaya in xabad joojin bani'aadanimo laga dhaqan geliyo Suuriya.

Cod bixin loo qaadi lahaa arintan oo muddo saacado ah la hakiyey Khamiistii, ayaa markii dambe gabi ahaanba la laalay ka dib markii Ruushku ku gacan saydhay.

Ruuushka ayaa taageersan duqaymaha ay ciidamada dowoladda Suuriya ka wadaan bariga Ghouta oo ay mucaardka ay haystaan .

Hogaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka aya warqad u qoray madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin, oo ay ugu baaqeen in aan dib loo dhigin xabad joojinta.