Kenya:-Aadan Barre Ducaale oo dhaleeceeyay in macalimiinta aan soomalida aheyn laga soo saaro Gobolka Waqooyi Bari ka dib weerarkii Al Shabaab.

0
Sunday February 25, 2018 - 08:20:23 in by salman abdi
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:-Aadan Barre Ducaale oo dhaleeceeyay in macalimiinta aan soomalida aheyn laga soo saaro Gobolka Waqooyi Bari ka dib weerarkii Al Shabaab.

    Kenya:-Aadan Barre Ducaale oo dhaleeceeyay in macalimiinta aan soomalida aheyn laga soo saaro Gobolka Waqooyi Bari ka dib weerarkii Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya:-Aadan Barre Ducaale oo dhaleeceeyay in macalimiinta aan soomalida aheyn laga soo saaro Gobolka Waqooyi Bari ka dib weerarkii Al Shabaab.

Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlmaanka Kenya, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa dhaleeceeyay talabada guddiga adeega macalimiinta TSC ay macalimiinta aan soomalida ahayn kaga soo wareejineyso gobolka Waqooyi Bari isla markana la keenayo goboladooda..


Guddiga TSC ayaa bilaabay inay ka soo saarto macalimiinta aan soomalida ahayn deegaanka Wajeer.



Tani ayaa daba socotaa ka dib markii Al-Shabaab ay weerartay Dugsiga Hoose ee Qarsa 16-kii Febraayo, taasoo keentay dhimashada laba macallin iyo xaaska mid ka mid ah macallimiinta.


Gudiga Macalimiinta oo waraaqo u dirtay ayaa ku amartay macallimiinta inay kasoo baxaan deegaanka Wajeer si ay ugu diyaar garoobaan xarumaha cusub oo loo wareejinayo.


Waxayna macallimiinta siiyeen 14 maalmood si ay ugu wargaliyaan agaasimaha waxbarashada ee deegaanka in la wareejinayo, illaa iyo in ka badan 100 macalimiin ayaa la sheegay inay ka soo wareegeen gobolka.