Somalia:- Budhcad baddeed Soomali ah oo weerartay Markab Ganacsi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

0
Sunday February 25, 2018 - 08:20:23 in by salman abdi
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:- Budhcad baddeed Soomali ah oo weerartay Markab Ganacsi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

    Somalia:- Budhcad baddeed Soomali ah oo weerartay Markab Ganacsi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:- Budhcad baddeed Soomali ah oo weerartay Markab Ganacsi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Kooxo hubeysan oo ah Burcad baddeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Singabuur sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi.

Markabka la weeraray ayaa waxaa lagu magacabaa MT Leopard Sun,waxaana ka soo shiraacday xeebaha dalka Oman kuna sii jeeday magaalada Cape Town ee dalka Koofur Africa, kaa oo siday Haamo Kiimiko ah.

Kooxda Burcadbadeeda Soomaalida ayaa la sheegay in ay wateen labo Doomood oo ah kuwa aadka u dheereeya.

War ka soo baxay ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in koox Burcad baddeed Soomaali ay weerar ku qaadeen Markabkaasi kuwaa soo sitay laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.

Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano, islamarkaana ay shaacin doonaan Khasaaraha ka dhashay weerarka.