1.Hordhac
Qaybtii 3-aad ee maqaalkan waxaynu isku daynay inaynu jawaab u helno su'aalahan:
Maxaa bulshadeena ugu wacan in Danta iyo Dareenka Qabiilku ay ka xoog bataan Dareen-Wadareedka Ummadnimo?
Maxaa bulshadeena ugu wacan inay mar
walba isku mashquuliyaan ama ay ka shaqeeyaan dan gaar ah oo ah inuu qof
wax-noqodo, halkii ay ka shaqayn lahaayeen wixii iyaga u dan ah?
Qaybtii 3-aad, waxaynu si guud-mar-ah
isu-hoga-tusaalaynay in ku dhaqanka qabyaaladda, qof-jeclaysiga iyo
qof-necbaysiga bulshadeenu caadaysatay ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee
Danta iyo Dareenka Qabiilku ay uga xoog bateen Danta guud ee Qaranka
iyo inay bulshadu yeelato Dareen-Wadareed Ummadnimo oo ay ka midaysan
yihiin. Qabiilka iyo ku dhaqanka Qabyaaladda ayaad moodaa inay inaga
indho-tireen mudnaantii iyo ahmiyaddii ay lahayd dareenka wadajirka
bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadu, taasoo aad mooddo in xataa
Caqiidatul-Islaamkiiba uu Qabiilku inalaga weyn yahay. Qabyaaladda ayaa
ah Min-qiyaaska iyo Halbeegga jiheeya qaabka fikirka siyaasiga ah ee
bulshada JSL ee waqtigan xaadirka ah.
Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.4-aad)
Nabadda, deggenaanshaha,
wada-noolaanshaha, horumarka iyo dimuqraadiyadda ay ummadda Jam.
Somaliland muddada 23-ka sano ku dhaw ku naaloonayaan, waa arrin aad u
qiimo badan oo haddii aynu nahay ummadda JSL-na aynu ku faani karno,
isla markaana ay waajib inagu tahay in ALLAH(SWT) loogu mahad-naqo.
Shacabka karaamada leh ee JSL ayaa iyagu hore iyo haddeerba ahaa kuwa
arrimahan saldhig iyo laf-dhabarba u ahaa. Shacabka JSL waxay mar walba
la imanayeen samir, dulqaad, kala-dambayn, ku dhaqanka shuruucda iyo
xeerarka dalka u dhigan iyo ayi-daad aan shuruud lahayn oo ay ayi-dayeen
kolba xukuumadda talada dalka haysa.
Waxa kale oo iyadna xusid iyo
is-xasuusinba mudan in wanaaga, horumarka iyo wada-jirka aynu maanta
hayno uu ku yimid wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee
ummadda oo loo tudho iyo weliba ta ugu muhiimsan oo ahayd, in hadda ka
hor, ay siyaasiyiinta u dhashay JSL hankooda iyo damacooda siyaasadeedba
ay mar walba uga tanaasulayeen halka ay danta ummaddoodu ku jirto.
Dareen-wadareed Waddaninnimo iyo
Dal-jacaylka ayaa aasaas iyo saldhigba u noqon kara jiritaanka Qarannimo
ee ay ummadi hiigsanayso. Waxaa innoo dhisan Qaran Guulaystay oo ku
guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar,
Dimuqraadiyad iyo Dawlad Shaqaynaysa, sidaana ku sifoobay 22-kii sano ee
ina soo dhaafay!! Waxaa innoo dhisan Qaran ay u dhamaystiran yihiin
kaabayaashii lagama-maarmaanka u ahaa sugidda ammaanka iyo kasbashada
nabadda shacabkiisa. Waxaa talada haya Xukuumad ku timid doorasho xor
iyo xalaal ah oo kalsooni buuxda ka haysata ummaddeeda.
Haddaba, waxa lagama maarmaan ah in
ummadda JSL aanay marnaba illoobin Ahaansha-Ummadnimadeeda iyo
Taariikhda Halgankeeda. Waa inaynu mar walba xasuusnaano waayihii iyo
waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray iyo qiimaha ay ku kacday nabadda
iyo xorriyadda aynu maanta hadhsanayno. Waxa nasiib darro inteeda leeg
ah marka ay ummadi weli kala saari waydo nacabkeeda iyo nasteexeeda, ay
ka faanto ama ka xishooto wixii ay shalay ku faani jirtay!! Markaa, saw
ma muuqato in aanay ummaddaasi waxba ku qaadan taariikhdii iyo waayihii
adkaa ee shalay soo maray?
2. Garaadka Bulshada oo la Kobciyo ayuu Wadajirku ku jiraa:
Horumarka bulsho iyo koboca dhaqaale ee ay ummadda Jam. Somaliland ku
tallaabsadeen muddadaa 22-ka sano ah waa mid mucjiso leh. Ummadda JSL
waxay la yimaadeen dedaal la yaab leh oo ku wajahan dib u dhiska iyo
horu-marinta dalkoodii bur-buray, iyaga oo aan cidnaba taageero iyo
taakulo ka helin balse iyagu isku tashaday Allena talo-saartay.
Haddii ay Hanka, Hiigsiga iyo Himilada
bulshadu hoos u dhacaan, waxa luma dareen-wadareedka waddaninimo, waxa
hiil hela oo kobca qabyaaladda, hunguriga iyo dareenka dan-shaqsi ka
fikirka. Halkii laga fikiri lahaa danta guud ee bulshada nolol-wadaagta
ah iyo danta Qarankaba, waxa mudnaanta iyo muhimadda koowaadba la siiyaa
sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa. Waxa nasiib darro ah marka
ay ummadi isku guubaabin weydo runta iyo caddaaladda, ay ka garaabi
waydo xaqa iyo wixii gar ah, marka qofkii Quman ee runta ku hadlaya uu
bulshada dhexdeeda ku sifoobo Qaldane; qofka qaldan iyo af-miishaarkuna
uu noqdo Qumane. Arrimahan oo dhammi waxay halis iyo hagar-daamoba ku
yihiin minqiyaaska horumarka bulshada iyo dareenka wadajirka ee
ummadnimo.
Haddaba, siday Guryaha, Iskuullada,
Dhakhtarrada, Dariiqyada iyo Adeegyada kale ee Bulshaduba dib-u-dhis ugu
baahan yihiin, ayey Dareenka, Garaadka iyo Fikirka dadkuna dib-u-dhis
ugu baahan yihiin. Qof ahaan waxaan is leeyahay; malaha ilaa hadda weli
si fiican looguma hawl-gelin in bulshadeenna la baraarujiyo, la wacyi
geliyo oo lagu beero dareenka waddaninimada, ka midnimada, ka
dal-jacaylka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran inuu mudnaanta koowaad
siiyo danta guud ee bulshada iyo maslaxadda Qaranka.
Aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxaa
saldhig u ah dareen-wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada oo ay
guud ahaanba ka siman-yihiin rag iyo haweenba. Haddii aynu doonayno
inaynu ka rumayno himilada iyo hadafka Qarannimo ee aynu leenahay, waxa
waajib iyo lagama maar-maanba inagu ah in dedaal dheer oo midaysan loo
galo sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa Garaadka iyo
Dareenka Waddaninimo, Wadajirka iyo Ahaanshaha Ummadnimo ee bulshada
JSL, gudaha iyo dibeddaba.
La soco qaybta 5-aad ee: Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin!
Wa Billaahi Tawfiiq; ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,
W/Q: | Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |
Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.4-aad)
1.Hordhac Qaybtii 3-aad ee maqaalkan waxaynu isku daynay inaynu jawaab u helno su'aalahan: Maxaa bulshadeena ugu wacan in Danta iyo Dareenka Qabiilku ay ka xoog bataan Dareen-Wadareedka Ummadnimo?