Ciraaq:-Dawladda Ciraaq Oo Diiday Codsi Uu Sucuudigu Udiray Iyo Waxa Uu Ku Saabsanyahay Codsigu.

0
Monday February 26, 2018 - 07:25:51 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciraaq:-Dawladda Ciraaq Oo Diiday Codsi Uu Sucuudigu Udiray Iyo Waxa Uu Ku Saabsanyahay Codsigu.

    Dawlada Ciraaq ayaa diiday codsi uga yimid xukuumada Riyadh oo ku saabsan in la sii daayo in ka badan 400 oo maxaabuus Sacuudi Carabiyaan ah, kuwa oo xabsiga ugu jira eedeymo la xiriira argaggixisanimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Ciraaq ayaa diiday codsi uga yimid xukuumada Riyadh oo ku saabsan in la sii daayo in ka badan 400 oo maxaabuus Sacuudi Carabiyaan ah, kuwa oo xabsiga ugu jira eedeymo la xiriira argaggixisanimo.



War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in afhayeenka xukuumadda Saad al-Hadithi uu sheegay in dawlada Ciraaq kaliya ay u ogolaan doonto in dib loo celiyo shaqsiyaadka lagu waayo eedeeymaha argagixisada.Sida laga soo xigtay wargeyska Al-Araby Al-Jadeed, maxabuusta Sacuudiga ayaa lala soo qabtay "boqolaal" kale oo isugu jira carab iyo yurubiyaan intii uu socday dagaalka lagula jiro kooxda Daesh iyo al-Qaacida.

Dawlada Ciraaq ayaa sheegtay in dhammaan maxaabiista ajnabiga la marin doono nidaamka sharciga ee dalka. Ilaa hadda sanadkan, waxa ay dawlada Ciraaq dil ku xukuntay haweeney Jarmal ah iyo haweeney Turki ah kuwaas oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Daacish.

 

Riyadh ayaa codsiga u gudbisay dawlada Ciraaq ka dib markii ay ku yaboohday $ 1.5 bilyan intii lagu jiray shirkii deeq-bixiyeyaasha oo lagu qabtay Kuwait kuna saabsanaa dib-u-dhiska burburka Daacish ee dalka Ciraaq.

 

Sources: universaltvsomali