Hargeisa:- Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Oo Shaqada Ka Eryay Masuul Salaada Duxada Tukaday + Sababta Ka Danbaysa.

0
Monday February 26, 2018 - 13:07:56 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Oo Shaqada Ka Eryay Masuul Salaada Duxada Tukaday + Sababta Ka Danbaysa.

    Hargeisa:- Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Oo Shaqada Ka Eryay Masuul Salaada Duxada Tukaday + Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Oo Shaqada Ka Eryay Masuul Salaada Duxada Tukaday + Sababta Ka Danbaysa. Maareeyaha Guud ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cabdi Rodol, ayaa la sheegay inuu shaqadii ka joojiyey haweenay xog-hayntiisa ahayd,ka dib markii uu ku qoonsaday salaadda loo yaqaan duxada oo ay tukan jirtay barqada

Siday tibaaxeen xogo ,kasoo xigtey illo kale duwan oo u dhuun daloola dhaq-dhaqaayada ka socda xafiiska Maxamed Cabdi Rodol, ayaa sheegaya inuu Mareeyuhu uu shaqada ka fadhiisiyey haweenaydii xoghayntiisa ka ahayd xafiiskiisa, ka-dib markii uu ku qoonsaday Salaada Duxada loo yaqaano oo ay tukan jirtay xiliga bar-qad maalin kasta.

 

 
Xogguhu waxay intaasi ku dareen inuu mareeyuhu dhawr jeer kala haddley haweenaydan in ay joojiso salaadda, madaama ay xiliga ay tukanayso uu yahay wakhtiga ay shaqo badani ka socoto xafiiskiisa, balse haweenaydan ayaan dheg-jalaq u siin haddalka mareeyahay, waxaanay iska sii wadda tahay in barqo kasta ay tukato salaatu duxadeedii

Geesta kalene illo wareed-yadan aanu warkan ka helayn, ayaa xusay inuu Mareeye Maxamed Cabdi Rodol intaa ka dib uu keensaday xoghayn kale oo gaar ah,taasi oo hadda ka hawgashay xafiiskiisa, waxa kale oo xoggu sheegeen in haweenaydaa uu saalada Duxada ku qoonsaday ay weli ka hawgasha xafiiskiisa, balse aanay shaqo badan qaban ee ay iska dhex-joogta uun, Docda kalene ma jiro wax war ah oo amuurtan ku saaban oo kasoo baxay labada dhinac.