Isku Shaandhayntii Fashilantay Ee Wasiir Guri Barwaaqo Iyo Cadaymo Muujinaya.

0
Monday February 26, 2018 - 14:22:28 in by salman abdi
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Shaandhayntii Fashilantay Ee Wasiir Guri Barwaaqo Iyo Cadaymo Muujinaya.

    Isku Shaandhayntii Fashilantay Ee Wasiir Guri Barwaaqo Iyo Cadaymo Muujinaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku Shaandhayntii Fashilantay Ee Wasiir Guri Barwaaqo Iyo Cadaymo Muujinaya. Wasaarada Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland Oo Ka Mida Wasaarada Halbowlaha Ugu Fadhida Qaranka Ay Ah Mid U igman Jahaynta Iyo Isku Xidhka Dawlada

Wasaarada Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland Oo Ka Mida Wasaarada Halbowlaha Ugu Fadhida Qaranka Ay Ah Mid U igman Jahaynta Iyo Isku Xidhka Dawlada Iyo Shacbka. Ayaa Noqotay Goob Khilaafkeedu Soo Noqnoqdo Iyado Inta Badan Loo Tirinayo Shabakado Dhiig Mirato Ah Oo Ka Dhex Dhisan Wasarada Kolba Cida Ay Doonan Ka Erya Wasaarada,

Kooxda Shabakada Ee Ka Dhex Dhisan Wasaarada Warfaafinta ayaa Ah Mid Mar Walba Ka Fa’idaysata Baahiyaha Wasiirka Hadba Wasaarada Loo Soo Magacaabo, Waxaan Shaki Ku Jirin In WAsiirka Warfaafinta Somaliland Aanay Gacanta Ugu Jirin Magacabista U Samaynayo Balse Ay Ku Xidhan Tahay Rabitaanka Kooxda Shuftada Ah Ee Ku Wareegsan Wasiirka Bal Aynu Soo Qaadano Hal Tusaale Oo Ku Tusinaya In ay Fashilan Tahay Magacabisaha Wasiirku Soo Saaro Taaso Oo Inta Badan Qofka Meel Loo Magacabayo Xilka Loogu Dhiibo Hawl karnimo Iyo Shaqo Wanaag Balse Taas Mid Ka Soo Horjeeda Aad Ku Arkayso Masuulyiinta U Magacaabay Wasiirka Warfaafinta Taasina Ay Ku Tusinayso In Aanu Warbadan Ka Hayn Cida U Magacaabayo Balse Saxeexa Ku Boobo Hadba Cida ay Soo Gudbiyaan Kooxda Ka Dhisan Wasaarada Warfaafinta Sida Ku Cad Warqadan Hoos Ku Xusan Waa Masuul Ka Tirsan Digreetooyinkii U Magacaabay Wasiir Cabdiraxman Guri Barwaaqo,

Waxay Ku Tusinaysa Indho La’aanta Wasiirka Warfaafinta Somalidu Waxay Ku Mahmaahda (Waxaa Looga Si daray Kii Maqasha Daayaca Marka Geela Loo Diray) Masuulkani Waa Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Farsamada Horena Uga Mid Ahaa Shaqaalaha Warlaliska Idacada Balse Ku Fashilmay Kaltanka Shaqo Sida Ku Cad Warqada

Balse Waxaa U Ku Sii Dalacay Habsankii Iyo Shaqo Gogoyntii U Qaranka U hayey, Taasi Waxay Ku Tusinaysa In Aan Qofka Lagu Soo Xulan Aqoon iyo Hawl Kar Balse Lagu Soo Xusho Rabitaanka Kooxda ku Wareegsan Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ,Balse Waxay Nasiib Daro Ku Tahay Aqoon Yahan La Moodka Wasaarada Loo Soo Magacaabay Mr Cabdrixan Guribarwaaqo Iyo Ku Xigeenkiisa Mr Abees, Taaso Oo God Madow Ku Riday Shaqaalihii Wasaarada Ee Ku Han Weyna Inay Mar Uun Heli Doonan Cadaalad iyo Isbedel Waara…

Lasoco Qaybo Qaybaha Danbe…….