Dubai:-Actarad Caan Ka Ahayd Filimaanta Hindiga Oo Geeriyootay Dhawaan Oo La Shaciyay Inay Barkad Ku Hafatay.
Baaritaan ay sameeyeen mas'uuliyiinta Dubai ayaa lagu sheegay in Sridevi ay barkadda qubeyska gashay iyada oo sarqaansan, sidaasi darteedna ay ku hafatay markii ay biyihii ka bateen.
Warbixinta ayaa lala wadaagay qoyska iyo waliba qunsuliyadda Hindiya ee Dubai.
Mar sii horeysay waxaa jiray warar sheegaya in uu wadnaha istaagay.
Meydka atariishadan ayaa loo duulin doonaa dalka Hindiya, halkaas oo loogu samaynayo aas qaran.
Ra'isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ka tacsiyeeyay geerida gabadhan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah xiddigihii ugu caansanaa ee aflaamka soo maray qarnigii tagay.
Sridevi ayaa waxaa lagu xasuusta aflaan badan oo ay kamid yihiin Nagina, Chandni, ChaalBaaz Judai iyo filmkii caan baxay ee Mr India.
Aktaradan lagu magacaabo Sridevi Kapoor ayaa caan ku aheyd magaca Sridevi, waxaana ay Dubai u tagtay si ay uga qaybgasho arooska wiil ay ilmo adeero yihiin.
Sridevi Kapoor ayaa in ka badan 50 sano ku soo jirtay jilidda aflaanta, waxaa ayna ka qayb qaadatay 300 filim.
Sridevi Kapoor ayaa iyada oo jirta da'da 4 sano waxaa ay ka qeyb gashay aflaantii filimaanta ku baxa luuqadaha kala ah Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada.
Dadwayne aad u badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee guriga ay Sridevi ka degantahay magaaladda Mumbai ee dalka Hindiya, ka dib markii la shaaciyay geerideeda.
Hogaamiyayaasha Bollywood iyo siyaasiyiin oo uu kamid yahay duqa magaalada London ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sridevi Kapoor.
Sidoo kale jilayaal ay kamid yihiin Aamirkhan, preety Zinta, Rishi Kappor ayaa iyaguna ka tacsiyeeyay geerida Sridevi.
Madaxwaynaha Hindiya Ram Nath Kovind ayaa dhankiisa sheegay in geerideeda ay qalbi jab ku tahay malaayiinka reer hindiya ee taageerayaasheeda ah.,
Dubai:-Actarad Caan Ka Ahayd Filimaanta Hindiga Oo Geeriyootay Dhawaan Oo La Shaciyay Inay Barkad Ku Hafatay.
Atarashiida caanka ah ee aflaamta hindiga Sridevi ee dhawaanta geeriyootay ayaa la sheegay in geerideeda sabab u ahayd hafasho ay ku hafatay biyaha barkad ku dhex tiilay qolka qubeyska hoteelkii ay daganayd.