Slovakia:-Ra'isulwasaare Shir Jaraa'id Kasoo Muuqday Isaga Oo Ay Lacag Badan Ag Tuban Tahay

0
Thursday March 01, 2018 - 07:57:37 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Slovakia:-Ra'isulwasaare Shir Jaraa'id Kasoo Muuqday Isaga Oo Ay Lacag Badan Ag Tuban Tahay

    Ra'isulwasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa shir jaraa'id qabtay, waxaana agtiisa yiilay lacag aad u badan oo xirmo xirmo u habaysan, taas oo dhan hal milyan oo Euro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isulwasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa shir jaraa'id qabtay, waxaana agtiisa yiilay lacag aad u badan oo xirmo xirmo u habaysan, taas oo dhan hal milyan oo Euro.


Lacagtani ayuu sheegay in ay tahay abaalmarin la siinayo qofkii soo sheega xog la xiriirta cidda dishay wariye caan ah oo baaritaan ku hayay xiriir ka dhaxeeya maafiyada Talyaaniga iyo siyaasiyiin sarsare oo Slovakia ka tirsan.

Wariyaha waxaa lagu magacaabaa Jan Kuciak oo 27 jir ah iyo gabadh lamaanihiisa ah Martina Kusnirova, waxaana lagu dilay gurigooda oo ku yaala meel 65km u jirta caasimadda.

 
Fadhato ka dhacday Florida

Sida ay qorayso warbaahinta dalkaas, dadka baaritaanka uu ku socday waxaa ka mid ah qof lagu magacaabo Maria Toroskova oo ka mid ah la taliyeyaasha ra'isulwasaaraha.

Balse Ra'isulwasaare Fico ayaa yiri "Yaanan la eedeynin dad aan wax dambi ah geysanin, mana ahan wax lagu kaftamo@.

Xisbiyada mucaaradka ayaa xisbiga talada haya ee Smer ku eedeeyay in ay iyaga ka dambeeyaan dilka, waxayna codsadeen in baaritaan cusub oo musuqmaasuqa ku saabsan laga sameeyo caasimadda Bratislava.