Masar:-Madaxwaynaha Masaroo Ka Digay In Laga Been Abuurto Ciidamada Qalabka Sida Ee Dalkiisa

0
Friday March 02, 2018 - 11:35:21 in by salman abdi
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar:-Madaxwaynaha Masaroo Ka Digay In Laga Been Abuurto Ciidamada Qalabka Sida Ee Dalkiisa

    Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Khamiistii ka digay in laga been abuurto ciidamada qalabka sida ee dalka iyo bilayska taas oo uu ku sheegay inay tahay fal "khiyaano qaran" oo aan loo dulqaadan doonin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Khamiistii ka digay in laga been abuurto ciidamada qalabka sida ee dalka iyo bilayska taas oo uu ku sheegay inay tahay fal "khiyaano qaran" oo aan loo dulqaadan doonin.

Hadalka oo uu ka jeediyay telefishanka xili uu booqasho ku tagay magaalada xeebta ah ee Alamiin, ayaa wuxa uu xusuusiyay dadka daawanayay boqolaalka askari iyo saraakiisha bilayska oo ay dileen kooxaha hubaysan sannadihii la soo dhaafay.

 


"Haddii uu qof aflagaadeeyo ama ka been abuurto ciidamadeena., wuxuu meel uga dhacayaa sumcada wanaagsan ee dhamaan Masriyiintii, taasna ma noqon doonto su'aal ah xorriyadda hadalka," ayuu yidhi Sisi.


"Qofna uma ogolaan doono inuu si khaldan wax uga sheego ciidanka iyo booliska inta aan halkaan joogo ayuu raaciyay hadalkiisa."


Hadalka Sisi ayaa imaanaya maalin kadib markii xeer ilaaliyaha sare ee Masar, Nabil Sadek, uu ugu yeeray talaabo sharci ah oo ka dhan ah wargeysyada daabacan "warar been ah, hadalada iyo xanta".


Arintaan ayaa ka danbeesay ka dib markii BBC-da ay daabacday dokumentari gaaban bishii Febraayo 23-keedii kaas oo ujeedkiisu ahaa inuu muujiyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee waddanka Waqooyiga Afrika.


Waxay soo bandhigeen faahfaahin badan oo ku saabsan xiritaan, afduub, jirdil iyo xadgudub galmo ah oo laga soo xigtay dhibanayaasha iyo qoysaskooda.


Mas'uuliyiinta Masaarida ayaa ugu yeeray warbixinta "mid qaldan oo been ah".