Hargeysa:Tirada Hay'adaha Dawladeed ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ilaa Hada ay Ka Fulisay Barnaamijka Madax Taabashadda oo la shaaciyey

0
Saturday March 03, 2018 - 12:56:32 in by salman abdi
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Tirada Hay'adaha Dawladeed ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ilaa Hada ay Ka Fulisay Barnaamijka Madax Taabashadda oo la shaaciyey

    Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Tafaasiil Ka Bixisay Meelaha Ay Ilaa Hada Ku Fulisay Barnaamijka Madax Taabashadda Shaqalaha Dawladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Tafaasiil Ka Bixisay Meelaha Ay Ilaa Hada Ku Fulisay Barnaamijka Madax Taabashadda Shaqalaha Dawladda  Hay’adda Shaqalaaha Dawladda ee Somaliland, ayaa tiro ka badan 48 ka mida Hay’adda Dawladda ee Wasaaraddaha iyo Hay’adda kala duwan shaqalaha ka hawlgala ee degmooyinka Goboladda qaarkood ay ka fuliyeen Barnaamijka hawlgalka madaxtaabashadda iyo Tirinta ee ay mudooyinkii u dambaysay hay’addaasi kacanta ku haysay oo si xawli ah ay shaqadooda u wadaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa faah faadhin dheeraada ka bixiyey halka ay u marayso ilaa hada barnaamijka madaxtaabashadda iyo tirinka shaqaalaha dawladda Somaliland eeay inta mudada ah wadaan, waxaanu tilmaamay inay inay ku dhawaaqayaan 48 ka mida hay’adda dawladda gaar ahaan Degmooyin iyo Gobolo oo ay hawlgalka tirinta iyo madax taabashadda shaqaalaha dawladda ka fuliyeen inay soo bandhigi doonaan isaga oo qoraal uu kaga hadlaayey wixii u qabsoomay uu Guddoomiye Sharmarke Geelleku yidhi. Dhamaystirka dhammaan 48- Xarumood oo dawli ah iyo shaqaalaha hoos yimaada 7 degmo; Hargeysa, Gabiley, Balligubadle, Salaxley, Allaybaday, Faroweyne iyo Daarasalaam. - Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladdu ku halwanayd tirinta iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ayaa waxaa maanta si rasmi ah u soo dhamaaday diiwaangelinta dhamaan shaqaalaha dawladda ee ku suggan xarumaha casimada iyo guud ahaan-ba degmooyinka; Hargeysa, Gabiley, Balligubadle, Salaxley, Allaybaday, Faroweyne iyo Daarasalaam. - Hawshan oo u baahnayd dedaal, duco iyo dardargelin ayaa illaahay fadligii kusoo idlaatay si habsami iyo hiraal le - Maalmaha soo socda ayaana loo bixi doonnaa gobolka kan xiga iyada oo 48- ka saacadood ee soo socda-na la shaacin doono midka uu noqonayo Insha Allah. 

 Illaahay fadligii waxaa maanta soo xarooday kooxihii ka hawlgalyey degmooyinkaa kala duwan iyaga oo si naf-hurnimo, dedaal iyo aqoon le hawshaa qaran u soo gutay. 

Sida halkan ka muuqata waxaa shaqaalaha dawladda lagaga daba-teggay guri , goob iyo geed walba waxaana qaranka u soo xaroon doonta xogtii ugu muhiiimsanayd iyo kaydkii ugu aaminaada badnaa ee abid shaqaalaha dawladdu yeeshaan kaasi oo laga heli doonno xogta, xaalka iyo xirfada shaqaalaha dawladda. Dalka horumar hiigsada dadkiisa ayuu habaystaa