Hargeysa:Abwaan Caan Ah Oo Ka Mid Ahaa Abwaaniintii Hobolada Waaberi Oo Xalay Ku Geeriyoodey Magaalada Hargeysa

0
Monday March 05, 2018 - 09:02:27 in by salman abdi
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Abwaan Caan Ah Oo Ka Mid Ahaa Abwaaniintii Hobolada Waaberi Oo Xalay Ku Geeriyoodey Magaalada Hargeysa

    Alle ha u naxariisto, waxa xalay magaaladda Hargeysa, ku geeriyooday Abwaan Maxamed Cabdi Basbaas, oo muddooyinkii dambe la jiiyay xanuun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariisto, waxa xalay magaaladda Hargeysa, ku geeriyooday Abwaan Maxamed Cabdi Basbaas, oo muddooyinkii dambe la jiiyay xanuun.

Alle haw naxariistee Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure (Basbaas) oo ka mid ahaa abwaaniintii hobolada waaberi. Alle haw naxariistee abwaan Basbaas ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Hargeysa, isaga oo xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure (Basbaas) , waxa uu ka mid ahaa jiilkii fanka ku biirey horaantii 1950-yadii, waxa uu ahaa majaajilayste ka qaybgelay riwaayado badan. Waxa ay dad badan ku xusuustaan wakhtiyada dambe riwaayada Beenay Waa Run oo uu ku matalayo odeyga qaba Abwaan Maxamed Cumar Huryo oo isna islaanta ku matalayey iyo riwaayada Awbustaale oo ku matalayey Sheekha burhaanta leh . Waxa uu sameeyey heeso badan, waxa ka mida heesta hordhaca u ahaan jirtay idaacadaha Soomaaliya , hadana la maqlo ka hor wararka idaacada Radio Muqdisho iyo Telefiishanka SNTV.