Hargeisa:- Wasiirka Guri-barwaaqo Oo Ku Gacan Saydhay Ergo Dhex-dhexaad Ka Bilowday Khilaafka Cakiran Ee Ka Taagaan Wasaaradda Warfaafinta.

0
Tuesday March 06, 2018 - 12:30:58 in by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Wasiirka Guri-barwaaqo Oo Ku Gacan Saydhay Ergo Dhex-dhexaad Ka Bilowday Khilaafka Cakiran Ee Ka Taagaan Wasaaradda Warfaafinta.

    Hargeisa:- Wasiirka Guri-barwaaqo Oo Ku Gacan Saydhay Ergo Dhex-dhexaad Ka Bilowday Khilaafka Cakiran Ee Ka Taagaan Wasaaradda Warfaafinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Wasiirka Guri-barwaaqo Oo Ku Gacan Saydhay Ergo Dhex-dhexaad Ka Bilowday Khilaafka Cakiran Ee Ka Taagaan Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo muddo 3 bilood ah shaqadii iyo Mushaharkiiba ka joojiyay y 24 Xubnood oo ka Tirsanaa warbaahinta Dawladda ayaa ku gacan saydhay ergo saxafiyiin is xil qaamey oo ka hawl-gala telefishanada oo dhex dhexaadin ka bilaabay khilaafka wasaarada warfaafinta Somaliland.


Warar lagu kalsoon yahay oo ay shabakadda Barigaafrikanews.com heshay ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa diiday in ergada dhex-dhexaadinta ka dhex bilowday isaga iyo shaqaalihiisa.

guddiga suxufiyiintan dhex-dhexaadinta wad ee iskood isku xilqaamay ayaa kala ah:
1: Xamse Cali Bulbul Agaasime Ku-xigeenka Hctv
2: Khadar Ciise Dheere Agaasimaha Saab Tv
3: Badri Koosaar Maxamud Madaxa Wararka Eryal Tv
4: Saleebaan Xaashi Agaasimaha Bulsho Tv
5: Cabdirashiid Cabdiwahaab Xuseen Universal Tv
6 : Cismaan Axmed Cismaan Madaxa Wararka Star Tv
7: Faysal Maxamed Aadan (Faysal Fifa) Agaasimaha Somali Cable Tv